WARBIXIN: Ku Biirista Romelu Lukaku Ee Chelsea Oo Albaabka U Furi Karta Weeraryahano Ku Biira Kooxo Kale.

Kooxda chelsea ayaa wali doonaysa saxiixa weeraryahan cusub waxana ay u muuqataa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga Inter Milan ee Romelu Lukaku.

Xiddiga Romelu Lukaku ayaa 3 xilli ciyaareed oo xun ku qaatay chelsea intii u dhexaysay 2011 ilaa 2014 ka hor inta uuna Blues uga tagin amaaho isla markaasna qaab toos ah uga tagin kooxda.

Laakiin Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu dib ula soo saxiixdo xiddiga Lukaku xilli uu xiddiga laftiisu dalbaday in loo ogolaado in uu ku laabto London.

Chelsea ayaa laga diiday laba dalab oo midkii ugu dambeeyay ahaa dalab 85 milyan iyo waliba xiddiga Marcus Alonso laakiin waxa la filayaa in ay chelsea dalab kor u dhaafaya 100 milyan kula laabato.

Hadaba u dhaqaaqista Chelsea ee Romelu Lukaku ayaa fure u noqon doona in la is dhaafsado weeraryaho badan inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Lukaku ayaa shidi kara suuqa inta lagu jiro xagaagan iyada oo Inter Milan badalka Lukaku ugu dhaqaaqi doonto xiddiga Atalanta ee Duvan Zapata kaas oo lagu heli karo lacag 40 milyan ah.

Atalanta ayaa dhankooda u dhaqaaqi karta weeraryahanka kooxda chelsea ee Tammy Abraham si ay ugu buuxiso booska uu ka baxay Zapata hadii uu ku biiro kooxda Inter Milan.

Sidoo kale Inter Milan ayaa u dhaqaaqi karta saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Jovic si ay ugu buuxiso booska uu ka baxayo Romelu Lukaku.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*