WARBIXIN: Kooxaha Ugu Fiican 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Ilaa Haatan Oo La Shaaciyay.

Shabakada WhoScored ayaa shaacisay Kooxaa ugu fiican 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo kaliya la ciyaaray kulamadii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka hadana waxa durba is muujiyay kooxo haatanba soo bandhigaya qaab ciyaareed cajiib ah.

WhoScored oo ka faa’iidaysanaysa fasaxa xulalka ayaa shaacisay kooxaha ilaa haatan ugu fiican iyaga oo ku doortay qiimayntii ugu dambaysay ee ay shabakadu samaysay.

Kooxda Liverpool ayaa ilaa haatan ah kooxda ugu fiican 5-ta horyaal ee ugu waaweyn iyaga oo qiimohoodu yahay 7.07 waxana ku xigta kooxda Bayern Munich kuwaas oo ah 7.05.

Kooxda PSG ayaa ku jirta kaalinta 3-aad waxana lagu qiimeeyay 6.94 halka ay kooxda Napoli ku jirto kaalinta 4-aad laguna qiimeeyay 6.93.

Ugu dambayn kooxda Real madrid aya ku jirta kaalinta 5-aad iyaga oo lagu qiimeeyay 6.91 waxana ay kooxahaas sidaas ku noqdeen kooxaha ugu fiican yurub ilaa haatan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*