WARBIXIN: Kooxaha Ugu Difaaca Fiican 5-ta Horyaalk Ee Ugu Waaweyn Qaarada Yurub Oo La Soo Saaray.

Waxa la galay fasaxa xulalka taas oo la macno ah in aan muddo 2 todobaad ah la ciyaari doonin kulamo kooxaha ah iyada oo kooxuhu isku diyaarinayaan koobka adduunka.

Kadib markii la joojiyay xilli ciyaareedka waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa warbixin ku saabsan kooxaha ugu difaaca adag 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda ilaa hataan ugu difaaca adag iyada oo kaliya laga dhaliyay hal gool 6-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka La Liga.

Waxa ku xigta kooxda Villarreal kuwaas oo laga dhaliyay 2 gool 6-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka halka ay ku xigto kooxda Atalanta kuwaas oo laga dhaliyay 3 gool 7 kulan oo ay ciyaarta.

Waxa ku xigta kooxda hogaaminaysa Bundesliga ee Union Berlin kuwaas oo laga dhaliyay 4 gool 7 kulan oo ay ciyaarta waxana ku sii xigta kooxda PSG oo laga dhaliyay 4 gool 7 kulan.

Kooxaha Real Betis, Atletic Bilbao iyo Brighton ayaa ku xiga kuwaas oo laga dhaliyay 4 gool min 6 kulan oo ay ciyaareen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*