WARBIXIN: Kooxaha Premier League Oo Ka Faa’iidaysan Kara Ku Biirista Lionel Messi Ee PSG.

Lionel Messi Ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda PSG waxana uu ku biiray kooxdiisii 2-aad xirfadiisa kadib markii uu kaliya u soo ciyaaray Barcelona.

Xiddiga reer Argentine ayaa ah xiddiga ugu weyn ee xagaagan ku biiraya kooc cusub waxana uu doortay kooxda ka dhisa caasimada France ee PSG.

Kabtankii hore ee Barcelona ayaa PSG kula biiraya xiddigaha Sergio Ramos, Gianluigi Donnarumma, Georginio Wijnaldum iyo Achraf Hakimi kuwaas oo xoojin doona kooxda PSG.

Kadib markii ay dhamaystireen  saxiixa Messi kooxda PSG ayaa ku qasbanaan doonta in ay dhinto kooxdeeda iyada oo iska fasixi karta xiddigo dhawr ah si ay u dhinto mushaharkooda.

Wargayska Daily Mirror ayaa soo bandhigay kooxaha premier League ee ka faa’iidaydan doona arintaas una dhaqaaqi doona xiddigaha kooxda PSG:

MAN UNITED:

Ole Gunnar Solskjaer Ayaa wali suuqa ugu jira xiddig khadka dhexe ah kadib markii uu kooxdiisa keenay xiddigaha Varane iyo Sancho waxana uu raadinaya xiddig khadka dhexe ah.

Man united oo ka faa’iidaysanaysa xaalada PSG waxa ay u dhaqaaqi kartaa axiixa xiddigaha khadka dhexe ee Idrissa Gueye, Marco Verratti, Leandro Paredes & Danilo Pereira midka ay doonayso.

LIVERPOOL:

Reds ayaan soo qaadan suuq xoogan waxana ay samaysay kaliya hal saxiix iyaga oo wali raadinaya saxiixyo ay kooxda ku xoojiyaan ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga u ciyaara PSG ee lala xidhiidhinayay Liverpool ayaa ah xiddiga Kylian Mbappe kaas oo laga yaabo in ay kooxdu iska iibiso hadii uuna heshiis cusub u saxiixin todobaadyada soo socda.

ARSENAL:

Arsenal ayaa dhankooda suuqa ugu jira saxiixa Goolhaye cusub kadib markii ay ilaa haatan sameeyeen 3 saxiix kuwaas oo ay ku xoojiyeen kooxda intii uu furnaa suuqa xagaaga.

Mikel Arteta ayaa doonaya Goolhaye Cusub waxana uu ka faa’iidaysan karaa xaalada PSG isaga oo lacag aad u jaban ugu dhaqaaqi kara Goolhayaha khibrada leh ee Keylor Navas.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*