WARBIXIN: Kooxaha Ilaa Haatan Xaqiiqsaday Boosaska Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Dhamaadka xilli ciyaareedka ayay inaga xigaan muddo saacado ah iyada oo la soo afjari doono horyaalada iyada oo kooxaha qaarkood haatanba xaqiiqsadeen boosaskooda champions league xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale waxa jira kooxo wali u dagaalmaya boosaskooda champions league xilli dhamaad lagu jiro horyaalada qaarada yurub xilli koox walba u dagaalamayso fursadohooda champions League.

5-ta horyaal ee ugu waaweyn waxa jira 16 kooxood oo uga soo bixi doona tartanka champions league iyaga oo adeegsanaya kaalmaha ugu horeeya ee horyaaladooda xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa kooxaha ilaa haatan u soo baxay champions league iyaga oo adeegsanaya boosaskooda horyaalka.

England: Man United, Man City,

Labada Manchester ayaa ah labada kooxood ee sida Rasmiga ah u xaqiiqsaday boosaskooda champions League xilli ciyaareedka dambe maadama labada boos ee kale wali ku dagaalamayaan 3 kooxood kuwaas oo kala ah Liverpool, Chelsea iyo Leicester City.

Spain: Atletico Madrid, Real Madrid, Barcelona, Sevilla.

Kooxaha horyaalka La Liga ayaa si Rasmi ah u xaqiiqsaday booskooda maadama ay 4-ta kooxood noqdeen kuwa ugu sareeya waliba dhibco aad u badan ka horeeya kooxaha kale ee kula tartami lahaa boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

Germany: Bayern Munich, RB Leipzig, Bortmund, Wolfsburg.

Sidoo kale 4-ta kooxaha Bundesliga ayay 4-ta kooxood ee uu sareeya haatanba go’aansadeen booskooda champions League xilli ciyaareedka dambe iyada oo hal kulan ka dhimantahay dhamaadka horyaalka waliba kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ay 4 dhibcood ka dambayso kooxda ku jirta kaalinta 5-aad.

Italy: Inter Milan.

Horyaalka Serie A-da ayaa isaguna ah mid aad u adag iyada oo ay kaliya hal koox xaqiiqsatay booskooda champions league xilli ciyaareedka dambe kooxdaas oo ah Inter Milan kuwaas oo aad uga horeeya kooxaha kale laakiin 3-da boos ee kale ayay ku dagaalmayaan kooxaha Atalanta, Ac Milan, Napoli iyo Juventus ka hor kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedkan.

France:

Horyaalkan ayay 2 kooxood uga soo baxaan champions league laakiin wali laguma kala bixin karka la eego in ay kooxuhu wali isku dhawyihiin Kooxda Lille ayaa leh 80 dhibcood iyaga oo hogaaminaya horyaalka laakiin waxa ay hal dhibic ka horaysaa kooxda PSG halka ay 3 dhibcood ka horayso kooxda Monaco sidoo kale kooxda PSG oo ku jirta kaalinta 2-aad ay 3 dhibcood ka horayso kooxda kaalinta 4-aad ee Lyon.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*