WARBIXIN: Kooxaha Ilaa Haatan Aan Wax Guuldaro Ah La Kulmin 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Qaarada Yurub.

Horyaalada waaweyn ee qaarada yurub ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo uu tartan adag ka socdo kaalmaha ugu sareeya horyaalada.

Waxa jira kooxo haatanba muujiyay awoodooda in ay u tartami karaan horyaalka dalkooda isla markaas qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka.

Waxa jira kooxo gaar ah oo aan wali wax guuldaro ah la kulmin tan ilaa bilowgii horyaalada waaweyn ee qaarada yurub oo la ciyaaray kulamo dhawr ah.

Hadii aynu ka bilowno premier League kooxaha Tottenham iyo Man City ayaa ah labada kooxood ee aan ilaa hataan wax guuldaro ah kala kulmin horyaalka premier League kadib 6 kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedk.

Dhinaca kale horyaalka La Liga kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa ah labada kooxood ee bilaa guuldarada ah kadib 5 kulan oo ay ciyaareen horyaalka La Liga.

Bundesliga-ha Germany kooxaha Union Berling iyo Bayern Munich ayaa ah labada kooxood ee aan wali wax guuldaro ah kala kulmin horyaalkooda kadib 6 kulan oo ay ciyaareen.

Kooxaha Napoli, Atalanta & Ac Milan ayaa ah kooxaha aan wali wax guuldaro ah kala kulmin horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan kadib 6 kulan oo ay ciyaareen.

Ugu dambayn kooxaha PSG, Marseille & Lens ayaa bilaa guuldaro ah horyaalka France kadib markii ay ciyaareen 7 kulan ilaa haatan xilli ciyaareedka.