WARBIXIN: Khaladkii Uu Ronald Koeman Sameeyay Kulankii Qaybta Hore Ee Xilli Ciyaareedka Ee El Clasico Ee Ay Tahay In Uu Ka Fogaado Kulanka Caawa.

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Real Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga waliba labada kooxood aad ugu baahanyihiin guul ay gaadhaan si ay hogaanka horyaalka ugu cidhiidhiyaan kooxda Atletico madrid.

Barcelona ayaa dhankeeda doonaysa in ay ka aar gudato kooxda Real Madrid kuwaas oo guuldaro dhabarka u saaray kulankii qaybtii hore ee xilli ciyaareedka horyaalka La Liga kaas oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee uu Ronald Koeman hogaamiyay Kooxda Barcelona dhinaca kulanka El Clasico.

Ronald Koeman ayaa sameeyay khaldaad badan taas oo keentay in dhabarka loo saaro kooxdiisa guuldaro laakiin kooxdiisa ayaa fiicnaatay wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo Barcelona tahay kooxda kaliya ee aan laga badin sanadka 2021 horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3 khalad oo uu Ronald Koeman sameeyay kulankii lugtii hore waliba ay tahay in uu ka fogaado kulanka caawa:

1.Xoog Saarista Weerarka & Banaynta Khadka Dhexe:

Kadib markii ay Real Madrid 2 gool ku hor martay kulankii hore Koeman ayaa sameeyay is badal weyn isaga oo soo galayay xiddigaha weerarka ee Martin Braithwaite, Antoine Griezmann, Ousmane Dembélé Iyo Francisco Trincão isaga oo badalay xiddigaha Sergio Busquets sidoo kale daafaca ku celiyay xiddiga Frankie De Jong isla markaasna khadka dhexe ee daafaca ka ciyaarsiiyay Philipe Coutinho.

Badalka Koeman ayaa saamayn xun ku yeeshay kooxda Barcelona iyada oo Real Madrid la wareegtay maamulka khadka dhexe iyada oo uu xiddiga Luka Modric dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa.

Hadaba Koeman ayay tahay in uu mar kale ka fogaado khaladaas waliba uu Real Madrid u baneeyo khadka dhexe marka loo eego in ay kooxda Zidane awood xoogan ku leedahay khadka dhexe marka loo eego xiddigaha u ciyaara.

2.Khadka Dhexe Oo Culusaa:

Kulankii lugtii hore khadka dhexe ee Barcelona ayaa ahaa mid aad u culus marka ay kubada u gudbinayaan weerarka  waxana ay ku dhibaatoonayeen in ay dhaqaaqaan la’aanta kubada iyada oo xiddigaha khadka dhexe ee Busquets, Coutinho iyo De Jong kubad muddo dheer haysanayeen taas oo keentay in ay ku dhibaatoodaan jabinta khadka dhexe ee Real Madrid.

Hadaba hadii uu Ronald Koeman doonayo in uu caawa ka fogaado khaladkaas waa in uu ku ciyaaro xiddigo leh geesinimada ay kubada horay ugu wadi karaan waliba aan muddo dheer haysan ee horay u gaadhsiiya weerarka.

3.Weerarka oo Maqnaa:

Kulankii Camp Nou kooxda Barcelona ayaa inta badan weerarkeeda ka ciyaara dhinac midi waliba weerarkeedu ka yimid dhinaca uu ka ciyaaro Jordi Alba taas oo keentay in uuna weerarka Barcelona ahayn mid dar-dar leh.

Zidane ayaa garabka daafaca ka ciyaarsiiyay xiddiga Lucas Vasquez isaga oo waliba hor dhiga xiddigaha Modric iyo Rodrygo oo caawinayay.

Wakhtigaas Koeman ayaan si fiican uga ciyaarsiin xiddigihiisa weerarka midig taas oo keentay in uuna weerarkiisu isku dheeli tirnaan waxana ay arintaasi si weyn u caawisay daafaca kooxda Barcelona.

Hadaba waa in uu Koeman kulanka caawa ka fogaadaa in uu mar kale ku celiyo khaladkaas waliba isku dheeli tiro weerarkiisa kulanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*