WARBIXIN: Lukaku Kane, Varane, Grealish & Saxiixyada Waaweyn Ee Ay Samayn Karaan Kooxaha Premier League Suuqa Xagaagan.

Kooxaha premier League ayaa ilaa haatan ugu cad-cad suuqa kala iibsiga iyaga oo ay kooxuhu sameeyeen saxiixyo badan tan ilaa markii uu furmay suuqa xagaaga bilowgii bishan haata lagu jiro.

Waxa dhacay saxiixyo waaweyn oo haatanba sameeyeen kooxaha premier League kana mid yihiin Jadon Sancho, Ibrahima Konate iyo saxiixyo kale oo badan oo ay kooxuhu ku xoojinayaan kooxdoda.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada laga yaabo in ay dhacaan ka hor inta uuna suuqa premeir League xidhmin:

JACK GREALISH -> MAN CITY:

Kooxda Man City ayaa aad u doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe iyaga oo diyaar ula ah Aston Villa dalab lacageed oo dhan 100 milyan si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Pep Guardiola ayaa taageero weyn u ah xiddiga reer England waxana uu doonayaa in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe si ay ugu dagaalamaan koobabka.

ROMELU LUKAKU -> CHELSEA:

Kooxda chelsea ayaan wali ka quusan in ay dib u soo ceshato xiddiga Romelu Lukaku kaas oo wacdaro ka dhigaya kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkii hore, Lukaku ayaa si cad u sheegay in uu ku faraxsanyahay Serie A-da laakiin Warara ka imanaya Italy ayaa sheegaya in uu Romalu Soo dhawaynayo ku laabashada Premeir League hadii ay Inter iyo chelsea is afgartaan.

HARRY KANE -> MAN CITY

Kabtanka England ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Tottenham kadib xilli ciyaareed kale oo koob la’aan ah waxana lala xidhiidhinayaa Man City iyada oo Citizen haatanba dalab 100 milyan ah ka gudbisay laakiin laga diiday dalabkaas.

Laakiin Man City ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Tottenham u soo bandhigto xiddigaha Sterling, Jesus, Silva iyo Mahrez hadii ay u fududaynayso saxiixiisa.

Dhanka kale chelsea ayaa Harry Kane u doonaysa badalka Haaland waxana ay diyaar u yihiin in ay Timo Werner u soo bandhigaan Tottenham hadii ay ku fashilmaan saxiixa Haaland

DECLAN RICE -> CHELSEA/ MAN UNITED.

Xiddiga khadka dhexe ee reer England ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay West Ham u soo bandhigtay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay waxana si weyn loola xidhiidhinayaa chelsea oo uu ka soo baxay Akademiyadeeda waxana si weyn loola xidhiidhinayay Blues xiddiga ilaa xagaagii hore..

BEN WHITE -> ARSENAL

Arsenal ayaa Brighton kala heshiisay saxiixa Ben White iyada oo ogolaato in ay bixiso 50 milyan oo euro si ay u hesho daafaca dhexe kadib markii laga diiday laba dalab oo hore.

Xiddiga ayaa haatan ku jira fasaxii xagaaga waxana la filayaa in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal kadib dhamaystiro heshiiskiisa.

RAPHAEL VARANE -> MAN UNITED

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa u muuqda mid doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid waxana uu haatanba wadahadalo kula jiraa kooxda Man United.

Kooxda Red Devils oo haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga ayaa la filayaa in ay todobaadkan dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga reer France.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ma ahan Qurux, Lacag, Labadan Arin Ku Dooro Gabadha Riyadaada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*