WARBIXIN: Jesus Vs Diar, Saliba Vs Kane & Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Arsenal Iyo Tottenham.

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa baal cusub ku soo kordhin doona xifaaltankooda waqooyiga London marka ay maanta ku kulmaan garoonka Emirates Stadium kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Kulanka maanta aaa noqon doona kulankii 171 ee ay ku kulmaan horyaalka premier League labada kooxood laakiin 162 ayaa ahaa Derby-ga dhabta ah maadama ay Arsenal woqooyiga London u soo guurtay 1913.

Kooxda Mikel Arteta ayaa haysata guulaha ugu badan marka la eego kulamada waji-ka-wajiga ee labada kooxood iyada oo Gunners badisay 68 kulan halka ay Tottenham Badisay 55 kulan.

Tottenham ayaan Arsenal kaga badin Emirates tan ilaa November 2010 markaas oo ay guul 2/1 ah ka gaadheen iyada oo Arsenal 3/1 ku garaacday Tottenham kulankii ugu dambeeyay ee ay Premier League ku kulmeen Emirates.

Hadaba Ka hor kulankooda maanta waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 meel oo ay ku kala badin karaan labada kooxood kulankan.

Gabriel Jesus vs Eric Dier:

Dagaalka u dhexeeya weeraryahanka dhexe ee Arsenal Gabriel Jesus iyo daafaca Tottenham Eric Dier ayaa noqon kara dagaalka ugu muhiimsan kulanka.

Xiddiga Jesus ayaa si fudud u ahaa xiddiga ugu fiican Arsenal xilli ciyaareedkan iyada oo xiddiga reer Brazil ku taamayo awood gool dhalin iyo caawin ilaa haatan xilli ciyaareedka, ka qayb qaatay todoba kulan oo Premier League ah waxana uu dhaliyay 4 gool halka uu caawiyay 3 kale.

Daafaca dhexe ee Tottenham Dier ayaa laga yaabaa inuu noqdo cadawgiisa ugu weyn kulankan, iyada oo daafaca reer England yahay xiddig orod badan oo waliba si fiican u akhriya ciyaarta isla markaas joojin yaqaana xiddigaha ka soo hor jeeda waxana uu leeyahay awoodu uu ku ilaashan karo shabaqiisa iyada oo sidoo kale dhaliyay 2 gool ilaa haatan.

Harry Kane vs William Saliba:

Isagoo ka soo laabtay amaah uu ku joogay Marseille, William Saliba wuxuu noqday mid ka mid xiddigaha ugu fiican kooxda Arteta xilli ciyaareedkan.

Daafaca dhexe ee reer France ayaa ah mid ku fiican boos qaadashada isaga oo sidoo leh dadaal dheeraad ah oo uu ku difaacdo goolkiis waxana uu dhaliyay 2 gool 7 kulan oo uu ciyaaray Laakiin waxa uu maanta wajahayaa tijaabadii ugu adkayd xirfadiisa ciyaareed marka uu ka hor imanayo Harry Kane.

Xiddiga oo weyn loogu amaano mid ka mid ah weeraryahannada dhexe ee ugu wanaagsan adduunka, Kane waxa uu awood u leeyahay in uu ciyaarta go’aamiyo daqiiqad kasta oo uu ku jiro garoonka dhexdiisa.

Waa Ma gafe gool dhaliye ah isla markaas orod badan waliba aan ka laba-labaynayn in uu kubada jiido inta uu ka soo boxo weerarka tooska ah ee uu ku jiro.

Heung-min Son vs Ben White:

Tababaraha Arsenal Arteta ayaa u adeegsaday Ben White daafaca Midig xilli ciyaareedkan waxana uu xiddiga reer England shaqo fiican ka qabtay doorkiisa cusub ee kooxda.

Waxa uu ciyaaray todoba kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, isagoo kooxdiisa ka caawiyay inay shabaqa ilaashadaan seddex kulan.

Laakiin maanta waxa uu ka hor iman doonaa xiddiga ku guulaystay gool dhalinta xilli ciyaareedkii hore ee Heung-min Son kaas oo 3 gool dhaliyay kulankiisii ugu dambeeyay.

Xiddiga Heung-min Son ayaa sidoo kale rikoodh fiican ku leh kulamada uu ka hor tago Arsenal isaga oo mar walba dhiba difaacyada Arsenal marka uu ka hor tago.

Bukayo Saka vs Ivan Perisic:

Halyeeyga khibrada leh ayaa ka hor iman doona wiil yar oo karti leh waana iska hor imaatinka xiddigaha Bukayo Saka iyo Ivan Perisic kaas oo si weyn isha loogu hayo.

Saka ayaa awood u leeyahay in uu ku cadaadiyo kooxaha ka soo horjeeda orodkiisa badan iyo walia isku xidhka weerarka iyo daafaca Arsenal waxana uu leeyahay kubad samayn iyo gool dhalin cajiib ah.

Saka ayaa ku fiican kana faa’iidaysta boosaska banaan waxana uu ku ciqaabi doonaa Tottenham fursad walba oo uu ku helo kooxda ka soo hor jeeda.

Perisic ayaa ka ciyaara daafac bidix+khadka dhexe nidaamka Conte xilli ciyaareedkan waxana loo xil saari doonaa in uu joojiyo Saka waxana uu ku fiicanyahay dib u raacashada marka kooxdiisa kubada laga haysto.

Martin Odegaard vs Pierre-Emile Hojbjerg:

Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa si weyn loogu amaanay inuu yahay mid ka mid ah weeraryahanada khadka dhexe ee ugu fiican Premier League.

Xiddiga ayaa ku fiican baaskiisa dhulka iyo waliba in uu awood u leeyahay in uu dhiibo kubadaha laga daba tuuro daafacyada sidoo kale waxa uu awood u leeyahay gool dhalin.

Xiddiga Tottenham ee Pierre-Emile Hojbjerg ayaan lahayn tayada xiddiga uu ka hor tagayo laakiin waxa uu leeyahay dadaal iyo waliba orod badan oo uu ku dhaawici karo Arsenal kuna dili karo weerarada Gunners isla markaas ku bilaabi karo weeraro rogaal celis ah.