WARBIXIN: Isco, Dele Alli, Pogba & TOBAN-ka Xiddig Ee Suuqa January Ku Biiri Kara Kooxo Cusub.

Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga January waxana jira xiddigo haatanba suuqa la dhigay kuwaas oo kooxo cusub raadsan doona bilowga bisha Dambe.

Xiddigahaas ayaa doonaya in ay ku biiraan kooxo ay si joogto ah ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka si ay boosas uga helaan xulalkooda tartamada xulalka ee xagaaga.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee haatan la dhigay suuqa January:

Isco:

Xiddiga reer Spain ayaa baxay qorshaha tababare Zidane waxana uu doonayaa in uu isaga tago Real Madrid waxana uu xiiso ka helay kooxo ay ka mid yihiin Arsenal iyo Everto.

Paul Pogba:

Waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee suuqa January la hadal hayn doono, Pogba ayaan qarsan raibtaankiisa ah in uu isaga tago kooxda Man United lala xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Dele Alli:

Xiddiga reer England oo lagu qiimayn jiray xiddigaha ugu fiican England ayaa kaliya 5 kulan ku bilowday 25-ka kulan ee ay Tottenham ilaa haatan ciyaartay waxana la sheegayaa in ay Tottenham diyaar u tahay in ay iska dirto xiddiga waxana la sheegayaa in uu Amaah ugu biiri doono kooxda PSG.

Memphis Depay:

Lyon ayaa hoos u dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga tan ilaa markii ay Barcelona ku fashilantay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga waxana la filayaa in uu xiddigan ku biiro kooxda Barcelona suuqa January lana midoobo tababarihiisii hore ee Ronald Koeman.

Eric Garcia:

Xiddigan ayay kaga dhagantahay kooxda Barcelona waxana uu xor noqon doonaa xagaaga dambe sidaas darteed Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay xiddiga suuqa January la soo wareegto.

Arkadiusz Milik:

Xiddigan ayaa laga saaray Liiska kooxda Napoli ee xilli ciyaareedkan waxa la filayaa in uu isaga tago kooxda suuqa January waxana lala xidhiidhinaya kooxaha Everton iyo Atletico Madrid.

Junior Firpo:

Xiddigan ayaa mar lagu tilmaamay badalka mustaqbalka Jordi Alba ee Barcelona laakiin xiddiga Junior Firpo ayaa si weyn ugu fashilmay in uu isku muujiyo kooxda Barcelona waxana ay kooxdu doonaysaa in ay iska iibiso suuqa January hadii ay hesho dalab fiican.

Christian Eriksen:

Xiddigan ayaa ka mid ahaa xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican Premeir League laakiin waxa uu doortay in uu ku biiro kooxda Inter Milan halkaas oo uu si weyn ugu fashilmay waxana ay Inter xaqiijisay in ay iska iibinayso xiddiga suuqa Jnauary.

Julian Draxler:

Xiddiga 27 jirka ah ee Julian Draxler ayaa ku jira wakhtigii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed laakiin dhaawacyo ayaa sabab u noqday in uuna soo bandhigin tayadiisa waxana ay kooxda PSG doonaysaa in ay iska iibiso iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaa Inter Milan, Ac Milan iyo Juventus.

Florian Thauvin:

Kadib markii uu awoodiisa ku soo bandhigay kooxda Marseille xiddiga 27 jirka ah ayaa ku dhibaatooday kooxda kulamadii ugu dambeeyay waxana ay doonaysaa in ay iska iibiso xiddiga suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*