WARBIXIN: In Uu Ka Goolal Badanyahay Arsenal & 10 Rikoodh Oo Uu Cristiano Ronaldo Diwaan Galiyay Kulankiisi Ugu Horeeyay Ee Premier League.

Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laabtay Man United isaga oo laba gool kula soo laabtay kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda.

Xiddiga reer Portugal ee 36 jirka ah ayaa goolashiisa furay kulankii ay Man United 4/1 uga badisay kooxda Newcastle United laakiin waxa uu qabtay wax intaas ka badan kadib goolasha.

Ronaldo ayaa si fiican ula shaqeeyay xiddigaha ay isku kooxa yihiin waxana uu diwaan gashaday 13 rikoodh oo cajiib ah kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku soo laabtay.

Hadaba halkan kaga bogo 10-kaas rikoodh:

12 Sano:

Ronaldo ayaa jabiyay rikoodhka mudada ugu badan ee u dhexaysa ciyaarista premier League maadama uu kulankiisii ugu dambeeyay ahaa bishii May 2009 kana hor tagay Arsenal.

Taabashada Kubada:

Ronaldo ayaa kaliya 8 mar kubada ku dhex taabtay dilinta Newcastle United 90-kii daqiiqo ee uu ciyaaray guud ahaan waxa uu kubada taabtay 63 jeer laakiin waxa uu dhaliyay 2 gool.

Laadka uu u baahday:

Xiddiga reer Portugal ayaa kaliya 6 laad ku laaday goolka Newcastle ciyaarta oo dhan laakiin waxa uu dhaliyay 2 gool iyada oo labada gool ee uu la helay goolka ay gool noqdeen.

Gool dhalinta:

Ronaldo ayaa haatan ku jira kaalinta 44-aad ee gool dhaliyayaasha taariikhiga ah ee premier League waxana uu leeyahay 86 gool sidaas darteed waxa uu gaadhi karaa 100 gool xilli ciyaareedkan.

Goolasha Sanadka:

Goolkii hore ee uu ka dhaliyay Newcastle waxa uu ahaa goolkiisii 30-aad ee sanadka 2021 sidaas darteed waa xiddiga kaliya ee dhaliyay 30 gool iyo wax ka badan 15 xilli sano oo xidhiidh ah.

Orodka:

Ronaldo ayuu orodkiisu gaadhay 20.2mph intii uu ku ordayay goolka Newcastle isla markaas waxa uu goolkiisii 2-aad ka dhaliyay waana rikoodh cajiib ah marka da’diisa loo eego.

Baaska:

Xiddiga ayaa baaskiisa saxda ah ee kulanka gaadhsiiyay 86.7% isaga oo dhamaystiray 17 baas goolka hortiisa hal fursadna abuuray.

Da’da:

Kaliya 2 xiddig oo Man United u soo ciyaaray kuwaas oo kala ah Ryan Giggs iyo Paul Scholes ayaa gool ka dhaliyay premier League iyaga oo ka da’ weyn Ronaldo.

Labaleyda:

Xiddiga reer Portugal ayaa xirfadiisa ciyaareed dhaliyay 200 oo labaley ah isaga oo bar-bareeyay rikoodhkii Lionel Messi.

Arsenal:

Labadii gool uu ka dhaliyay Newcastle ayaa la macno ah in uu Cristiano Ronaldo haatan dhaliyay goolal ka badan Arsenal iyo Norwich ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Rikoodh:

Ronaldo ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee No.7 u qaata Man United oo laba gool ka dhaliya premier League kulan ka dhacay Old Trafford tan ilaa April 2009 markaas oo uu isagu sidaas sameeyay.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*