WARBIXIN: Hazard Oo Hogaaminaya 10-ka Saxiix Ee Ugu Xun Taariikhda Real Madrid.

Sanadihii ugu dambeeyay kooxda Real Madrid ayaa siyaasadeeda suuqa u badashay in ay diirada saarto la soo saxiixashada xiddigaha da’yarka ah ee adduunka oo dhan hadii ay tahay yurub iyo qaaradaha kaleba.

Xiddigaha reer Brazil ee da’yarka ah ee Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Reinier ayaa ka mid ah tusaalaha saxiixyada ugu dambeeyay ee ay Real Madrid samaysay.

Dhanka kale xiddigaha da’yarka ah ee Takefusa Kubo & Martin Odegaard ayaa qaab ciyaareed cajiib ah oo amaah ah ku qaadanaya kooxaha horyaalka La Liga.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa baanka u jabin jirtay saxiixyo waaxweyn iyaga oo la soo wareegay xiddigo badan oo heer caalami kuwaas oo koobab kula guulaystay kuna soo bandhigay qaab ciyaareed cjaiib ah.

Laakiin sidoo kale Los Blancos ayaa samaysay saxiixyo waaweyn oo ay ku hungawday kuna fashilmay kooxda inkasta oo ay lacag badna ka soo bixisay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10-a saxiix ugu xumaa kooxda Real Madrid sanadihii ugu dambeeyay:

1.Fabio Coentrao:

Xiddigan ayaa Los Blancos ugu soo biiray lacag dhan 25 milyan oo euro halka ay Rea Madrid heshiiska ku dartay sidoo kale Ezequiel Garay iyaga oo kala soo wareegay kooxda Benfica

Xiddiga ayaa Real Madrid u ciyaaray 89 kulan oo kaliya isgaa oo ugu dambayn isaga tagay kooxda Real Madrid sanadkii 2018.

2.Hamit Altintop:

Xiddiga reer Turkey ayaa Real Madrid kaga soo biiray Bayern Munich xagaagii 2011 waxana uu ku yimid kooxda si xor ah laakiin waxa uu kooxda u saftay kaliya 12 kulan ka hor inta uuna ka tagin kooxda xilli ciyaareedkii xigay kuna biirin Galatasaray.

3.Lucas Silva:

Xiddiga reer Brazil ayaa 12 milyan ugaga biiray Real Madrid kooxda club Cruzeiro laakiin waxa uu kaliya kooxda u saftay 9 kulan ka hor inta uuna isaga tagin kooxda xilli ciyaareedki 2015/2016.

4.James Rodriguez:

Xiddiga ayaa ku soo biiray Real Madrid kadib koobkii adduunka 2014 markaas oo uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay laakiin xiddiga ayaan ku soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay isgaa oo ilaa haatan ku dhibaatoonaya kooxda.

5.Eden Hazard:

Waxa laga yaabaa in uu yahay go’aanka ugu la yaabka badan laakiin Xiddiga reer Belguim ayaa lacag badan ku qasbay Los Blancos laakiin ilaa hataan ku dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo isaga oo kaliya hal gool dhaliyay xilli ciyaareedkan.

6.Danilo

7.Theo Hernandez

8.Alvaro Odriozola

9.Mariano Diaz

10.Jonathan Woodgate

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*