WARBIXIN: Hazard & Bale Oo Hogaaminaya 6 Xiddig Oo Ay Real Madrid Iibinayso Si Ay Ugu Dhaqaaqdo Saxiixa Erling Haaland & Kylian Mbappe

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso nadiifin kooxda ah marka la gaadho suuqa xagaaga si ay u soo xero galiso xiddigaha Erling Haaland & Kylian Mbappe.

Ku dhawaad 6 xiddig ayaa la sheegayaa in ay kooxdu suuqa dhigi doonto xagaaga iyada oo ay hogaaminayaan xiddigaha Gareth Bale iyo Eden Hazard.

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu helo lacag badan oo uu ugu dhaqaaqo xiddigaha Haaland iyo Mbappe ama midkood hadii ay u suurtagali waydo xagaaga.

Haaland ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 180 milyan oo euro kaas oo ay kooxda Borussia Dortmund u sheegtay kooxaha doonaya saxiixiixa xiddiga wacdaraha dhigaya.

Mbappe ayaa dhakiisa ku kici doona lacag ka badan intaas iyada oo ay kooxda PSG doonayso in ay sii haysato xiddiga reer France.

Wargayska Mundo Depirtivo ayaa sheegaya in ay Kooxda Real Madrid diyaarinayso 6 xiddig oo ay iska iibiso xagaaga si ay ugu dhaqaaqdo labada xiddig uguna xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigaha 6-da ah ayaa lagu soo waramayaa in ay kala yihiin xiddigaha Gareth Bale,Sergio Ramos, Raphael Varane, Hazard, Isco, & Marcelo kuwaas oo dhamaantood shaaki ku jiro mustaqbalkooda Los Blancos.

U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*