WARBIXIN: Halkee Ayuu Ben White Kaga Jiraa Daafacyada Ugu Qaalisan Ee U Dashay Dalka England.

Kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay Brighton Ben White ayaa ku biiray kooxda Arsenal isaga oo noqday daafaca ugu qaalisan taariikhda kooxda Arsenal.

Sidoo kale xiddiga 23 jirka ah ayaa ku biiray daafacyada ugu qaalisan ee reer England kadib markii ay Gunners saxiixiisa ka bixisay lacag dhan 50 milyan oo euro.

Xiddiga reer England ayaa ka mid noqday daafacyada ugu qaalisan ee ka soo jeeda dalka England isaga oo liiska kula biiray xiddigo rikoodhkaas kaga horeeyay.

White ayaa qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay taas oo keentay in uu helo xiisaha kooxda Arsenal kuwaas oo baanka u jabiyay si ay u helaan saxiixiisa.

Hadaba warbixintan kaga bogo liiska daafacyada ugu qaalisan ee ka soo jeeda England kadib markii uu Ben White ku biiray kooxda Arsenal.

Harry Maguire – £80m (Leicester City -> Man United)

Maguire ayaa noqday daafaca ugu qaalisan kubbadda cagta markii uu Old Trafford ugu wareegay lacag dhan 80 milyan oo euro xagaagii 2019 waxana uu haatan noqday kabtanka 1-aad ee kooxda Man United.

Kyle Walker – £53m (Tottenham -> Manchester City)

Maguire ka hor daafaca Walker ayaa noqday daafaca ugu qaalisan kadib markii uu Tottenham ka tagay xagaagii 2017 kuna biiray kooxda Man City waxana uu tan ilaa haatan kooxda kula guulaystay 3 Premier League, 4 League cup iyo hal FA Cup.

Ben Chilwell – £50m (Leicester -> Chelsea)

Kooxda chelsea ayaa Ben Chilwell ka dhigtay daafacyada ugu qalisan kadib markii ay xagaagii hore baanka u jabisay kulana soo wareegtay xiddiga lacag dhan 50  milyan waxana uu kooxda kula guulaystay champions League.

Aaron Wan-Bissaka – £50m (Crystal Palace -> Manchester United)

Waa xiddig kale oo ka tagay magaalada London una dhaqaaqay magaalada Manchester iyada oo United 50 milyan ka bixisay daafaca Midig xagaagii 2019 waxana uu kooxda u saftay 100 kulan tartamada oo dhan.

Ben White – £50m (Brighton -> Arsenal)

Kadib xlli ciyaareed cajiib ah oo ju ku soo qaatay Brighton, White ayaa qabtay indhaha kooxda Arsenal waxana uu xitaa xulka England kala qayb qaatay Euro 2020, xiddiga 23 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii hore saftay 36 kulan waxana la filayaa in uu wax weyn ku soo kordhiyo kooxda Arsenal.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*