WARBIXIN: Haaland, Salah, Ibrahimovic Oo Hogaaminaya Xiddigaha Magaca Leh Ee Seegaya Koobka Adduunka.

Waxa sii xoogaysanaya xiisaha bilaabashada koobka adduunka oo ay inaga xigto hal bil iyo wax yar xilli ay xulalka kala duwan iyo xiddiguhu isku diyaarinayaan ka qayb galka tartanka.

Koobka adduunka oo ka dhici doona dalka Qatar ayaa si weyn isha loogu hayaa iyada oo taageerayaasha kubada cagta si weyn isha ugu hayaan tartanka.

Si kasta ha ahaatee waxa jira xiddigo magac ku leh kubada cagta kuwaas oo seegi doona koobka adduunka ka dhici doona dalka Qatar.

Xiddigaha Lionel Messi, Neymar, Cristiano Ronaldo iyo xiddigo kale oo waaweyn ayaa isku diyaarinaya ka qayb galla koobka adduunka ka dhici doona qatar.

Xiddigaha Seegaya koobka adduunka ayaa ah kuwo ay xulalkoodu ku fashilmen in ay ku soo baxaan koobka adduunka Qatar 2022.

Hadaba Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa Liiska xiddigaha seegi doona koobka adduunka ee magaca ku leh kubada cagta:

  1. Erling Haaland – Norway
  2. Jan Oblak – Slovenia
  3. Marco Verratti – Italy
  4. Mohamed Salah – Egypt
  5. Luis Diaz – Colombia
  6. David Alaba – Austria
  7. Zlatan Ibrahimovic – Sweden
  8. Martin Odegaard – Norway
  9. Gianluigi Donnarumma – Italy
  10. Andrew Robertson – Scotland
  11. Victor Osimhen – Nigeria