WARBIXIN: Daafacyada Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa Kala Iibsiga, Halkee Ayuu Fofana Kaga Jiraa?

Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Wesley Fofana kaas oo ay 75 milyan oo euro kagala soo wareegtay kooxda Leicester City.

Daafaca Man United ee Harry Maguire ayaa wali ah daafaca ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga kadib markii uu 80 milyan ugu biiray Man United.

Xiddigaha Van Dijk iyo Fofana ayaa isku qiimo ah iyaga oo min 75 milyan oo euro ku fadhiya suuqa iyaga oo ugu kala wareegay kooxaha chelsea iyo Liverpool.

Waxa kaalinta 4-aad ku jira xiddiga kooxda Bayern Munich ee Lucas Hernandez kaas oo Bayern ugu biiray lacag dhan 68 milyan oo euro.

Waxa ku xiga xiddiga Mathijs De Ligt kaas oo Juventus ugu biiray lacag dhan 67.5 milyan euro markii uu Ajax joogay.

Daafaca chelsea ee Marc Cucurella ayaa ku jira kaalinta 6-aad isaga oo lacag dhan 62 milyan oo euro ugu biiray kooxda Blues suuqa kala iibsiga xagaagan.

Image