WARBIXIN: Cristiano Ronaldo, Lionel Messi 8 Weeraryahan Oo Isaga Tagi Kara Kooxohooda Xagaaga

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si weyn loo raadin doonaa weeraryahan xilli Tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Erling Haaland uu sii xoogaysanayo.

Xiddiga Borussia Dortmund ayaa ku jira Liiska koox walba oo weyn oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Xilli lagu heli karo lacag ka yar 100 milyan oo euro kooxaha reer yurub ayaa isku diyaarinaya in ay baanka u jabiyaan saxiisa.

Sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalka xiddigaha Kylian Mbappe, Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Harry kane iyo xiddigo kale oo weerarka ka ciyaara.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 8-da weeraryahan ee laga yaabo in ay kooxo cusub ku biiraan xagaaga:

1.Cristiano Ronaldo:

Mustaqbalka xiddiga reer Portugal ayaa si weyn loo hadal hayaa todobaadyadii ugu dambeeyay gaar ahaan tan ilaa markii ay Juventus ka hadhay champions League xilli ciyaareedkan.

Cristaino Ronaldo ayaa lala xidhiidhiyay ku laabashada kooxda Real Madrid xilli uu tababaraha Real Madrid ee Zidane diiday in uu meesha ka saaro ku soo laabashada Ronaldo ee Madrid xagaaga.

2.Sergio Aguero:

Heshiiska Sergio Aguero ee Man City ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda tababare Pep Guardiola.

Sergio Aguero oo xor noqon doona ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Inter Milan iyo Barcelona kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga.

Laakiin chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee ku soo biirtay xilli uu Sergio Aguero Diyaar u yahay in uu sii joogo horyaalka Premier League.

3.Harry Kane:

Xiddiga reer England ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ka tagista kooxda Tottenham laakiin ma suurtagalin arintaas iyada oo Tottenham dul dhigtay qiimo aad u sareeya.

Laakiin hadii ay Tottenam ku guulaysan waydo koob ama ay u soo bixi waydo tartanka champions league Harry Kane ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Tottenham.

Harry ayaa haysta xiiso badan oo uga yimid kooxaha Man United, Man City iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga kabtanka u ah England.

4.Edinson Cavani:

Xiddiga reer Uruguay ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Man United oo uu qaab xor ah ugu soo biiray xagaagii la soo dhaafay.

Inkasta oo ay Man United haysto heshiis hal sano oo dookh ah hadana waxa jira warar xoogan oo sheegaya in uu xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United.

Aabaha dhalay Cavani ayaa xitaa xaqiijiyay in uu wiilkiisu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United kuna biiro kooxda reer Arentine ee Boca Junior.

5.Romelu Lukaku:

Xiddiga reer Belguim ayaa dib u dhashay kadib markii uu ka tagay Man United isaga oo kooxda Inter Milan ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.

Lukaku ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fician ee weerarka xili ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa Inter Milan ku hogaaminaya horyaalka waxana uu qaab ciyaareedkiisu soo jiitay kooxda Man City.

Man City oo isku diyaarinaysa la’aanta Sergio Aguero ayaa xiddiga Romelu Lukaku u aragta badalka xiddiga reer Belguim.

6.Lionel Messi:

Xiddiga Kabtanka u ah Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loola xidhiidhinayo in ay kooxo cusub ku biirayaan xagaaga.

Lionel Messi ayaa xagaaga ku dhawaaday in uu isaga tago kooxda Barcelona kadib markii uu warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxdiisa.

Messi ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Barcelona waxana lala xidhiidhinayaa kooxaha PSG iyo Man City kuwaas oo lala xidhiidhinayay saxiixiisa bilihii ugu dambeeyay.

7.Patson Daka

8.Danny Ings.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*