WARBIXIN: Chelsea Oo Dajisay Qorshe Ka Caawin Kara Saxiixa Romelu Lukaku & Liiska Xiddigaha Uu Tuchel Suuqa Dhigay.

Kooxda chelsea ayaa iibin karta ugu yaraan 12 xiddig inta lagu jiro suuqa xagaagan si ay u hesho saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Romelu Lukaku xagaagan.

Blues ayaa dareenkooda u jeedisay saxiixa xiddiga Lukaku kadib markii ay ka rajo beeleen saxiixa xiddiga Erling Haaland inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Laakiin Inter Milan ayaa Chelsea ka diiday dalab lacageed oo dhan 100 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Marcus Alonso, chelsea ayaana haatan bilaabaysa in ay iska iibiso xiddigo ka tirsan kooxda 1-aad si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Weerarka ka ciyaara.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay chelsea isku diyaarinayso in ay iska iibiso ugu yaraan 11 xiddig oo kooxda 1-aad ah inta lagu jiro suuqa xagaagan si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Romelu Lukaku.

Xiddigaha Kurt Zouma, Marcus Alonso, Tammy Abraham, Callum Hudson-Odoi, Ruben Loftus-Cheek, Ross Barkley, Davide Zappacosta, Michy Batshuayi, Kenedy, Danny Drinkwater, Tiemoue Bakayoko & Baba Rahman ayaa ah xiddigaha ay ku dhici karto seefta Tuchel ee iibinta xiddiga.

Kooxda Chelsea ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub kadib markii uu xiddiga Timo Werner ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareed qanciya maamulka kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*