WARBIXIN: Ceebtiis Maahee Waa Caadadiis, Halkan Kaga Bogo Liiska Xiddigaha Uu Gudoomiyaha Man United Ee Ed Woodward Markii Hore Diiday In Uu Lacag Badan Ka Bixiyo Ka Hor Inta Uuna Badalin Go’aankiisa.

Bilowgii todobaadkan Waxa ay u muuqatay in ay man United dhamaystirayso saxiixa Jadon Sancho waliba maalmo gudohood.

Laakiin Haatan taageerayaasha Man United ayaa dareemaya in ay ku socdaan wax ay horay u soo arkeen xilli ay joogsadeen wadahadaladii ay Man United ku doonaysay saxiixa Sancho xilli United sheegtay in ay ka baxayso heshiiska sabab la xidhiidha qiimaha ay Dortmund dalabanayso.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa madaxa Sancho dul dhigtay 108 milyan oo euro taas oo ah lacag ay United u aragto mid aan macquul ahayn in la bixiyo xaaladan haatan lagu jiro.

Man United ayaa aaminsan in ay Dortmund dalbatay lacag aan suurtagal ahayn waliba doonayaan in ay aad qiimaha hoos ugu dhigaan.

sidoo kale waxa soo baxaya warar sheegaya in ayna Man United wali heshiiska shaqsiga ah la gaadhin xiddiga 20 jirka ah.

Gudoomiye ku xigeenka Man United Ed Woodward ayaa dabeecad u leh in uu diido heshiisyada lacagta badan ku kaca laakiin mar dambe go’aankiisa badala oo bixiya lacagta sida ay horay u dhacday marar badan oo saxiixyada man United.

hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha uu Ed Woodward diiday in uu lacagta badan ka bixiyo marka hore laakiin uu ugu dambayn bixiyay lacagta si uu u keeno Man United.

BRUNO FERNANDES:

Man United ayaa muddo lala xidhiidhinayay Fernandes waxana ay Markii hore Man United diiday in ay bixiso lacagta 67.6 milyan oo ay Sports Libson dalbanaysay laakiin ugu dambayn Woodard ayaa bixiyay lacagtaas kadib Fernandes ayaa ku soo biiray Old Trafford suuqii January.

HARRY MAGUIRE:

Man United ayaa saxiixa Harry doonaysay sanad ka hor iyada oo Leicester City doonaysay in ay ku iibiso lacag dhan 70 milyan oo euro.

Laakiin sanad kadib ayuu Woodward lacag 80 Milyan ah ka bixiyay xiddiga reer England iyaga oo ka dhigay daafaca ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.

PAUL POGBA:

Xiddigan ayaa Man United ugu soo laabtay lacag rikoodh ah xagaagii 2016 kadib markii uu ku yimid 108 milyan oo euro laakiin Woodward ayaa markii hore diiday in uu xiddiga reer France kula soo saxiixdo lacagtaas.

Laakiin ugu dambayn Gudoomiye ku xigeenka Man United ayaa badalay go’aankiisa Pogba-na ka dhigay xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha kale ee uu Woodward markii hore diiday in uu lacag badan ka bixiyo laakiin ugu dambayn go’aankiisa badalay lacagtana miiska saaray.

ANDER HERRERA

MAROUANE FELLAINI

ROMELU LUKAKU

ANGEL DI MARIA

ALEXIS SANCHEZ

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*