WARBIXIN: Fofana, Antony & Saxiixyada Ugu Waaweyn Ee Ilaa Haatan La Dhamaystiray.

Waxa si  Rasmi ah u furan suuqa kala iibsiga iyada oo ay kooxuhu durba bilaabeen xoojinta kooxohooda si ay u dhisaan kooxda ay doonayaan in ay ku ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan xagaaga laakiin xiddiga ayaa si Rasmi ah u noqon doona xiddig ka tirsan kooxda 1 bisha July ee soo socota.

Hadaba kooxda.com ayaa si Update ah halkan ugu soo bandhigi doonta saxiixyada waaweyn ee ilaa haatan la dhamaystiray suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wesley Fofana -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Wesley Fofana kaas oo ay kala soo wareegtay Kooxda Leicester City.

Chelsea ayaa xaqiijisay in ay Wesley Fofana ka saxiixatay heshiis 7 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Blues ayaa Wesley Fofana ka dhigtay daafaca ugu qaalisan suuqa kala iibsiga iyaga oo ka bixiyay lacag rikoodh ah kadib wadahadalo ay muddo kula jireen leicester City.

Antony -> Man United:

Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Antony kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax.

Red Devils ayaa Antony ka saxiixatay heshiis ilaa xagaaga 2027 ah iyo waliba hal sno oo dheeraad ah iyaga oo ka soo bixiyay lacag rikoodh ah.

Antony ayaa noqday saxiixii 5-aad ee ay samayso Man United waxana ay xiddiga reer Brazil ka bixisay lacag dhan 95 milyan oo euro iyo waliba 5 milyan oo Guno ah.

Arkadiusz Milik -> Juventus:

Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Arkadiusz Milik kas oo ay kala soo wareegtay kooxda Marseille.

Juventus ayaa xiddiga Arkadiusz Milik kula soo wareegtay heshiis amaah ah oo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Casemiro -> Man United:

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Casemiro kaas oo ay saxiixiisa si buuxda ugaal wareegtay kooxda Real Madrid.

Xiddiga 30 jirka ah qalinka ku duugi doona heshiis 4 sano ah iyo waliba hal sano oo dheeraad ah oo uu ku joogi doono Old Trafford.

Saxiixa Casemiro ayaa ah saxiixii 4-aad ee ay samayso kooxda Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Cesare Casadei -> Chlsea

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi a u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixeedii 7-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan kaas oo ah Cesare Casadei.

Chelsea ayaa xaqiijisay in ay xiddiga khadka dhexe ee Cesare Casadei kala soo wareegtay kooxda Inter Milan kaas oo ah saxiixeedii  6-aad.

Blues ayaa sidoo kale sheegtay in xddiga reer Italy qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono Stamford Bridge.

Sergio Gomez -> Man City

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sergio Gomez kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Anderlecht kana dhigtay saxiixyadeeda cusub ee suuqa xagaaga.

Man City ayaa Gomez ka saxiixatay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda difaacanaysa horyaalka premier League.

Xiddiga 21 jirka ah ee daafaca Bidix ka ciyaara ayaa noqday saxiixii 4-aad ee ay samayso kooxda Man City suuqa kala iibsiga xagaagan kadib Erling Haaland, Kalvin Phillips & Stefan Ortega.

Marc Cucurella -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Marc Cucurella kaas oo ay kala soo wareegtay Brighton.

Blues ayaa xiddiga Marc Cucurella ka dhigtay saxiixieedii 5-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay saxiixiisa ku garaacday kooxda Man City.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridige.

Carney Chukwuemeka -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Carney Chukwuemeka kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Aston Villa.

Chelsea ayaa Carney Chukwuemeka ka dhigtay saxiixeedii 4-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii uu si Rasmi ah qalinka ugu duugay heshiiska uu ugu soo biirayo kooxda.

Gabriel Slonina -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Gabriel Slonina kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Chicago Fire.

Chelsea ayaa xiddiga 18 jirka ah ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah iyaga oo ka dhigay saxiixoodii 3-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Jules Kounde -> Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Kounde kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Sevilla.

Barcelona ayaa Kounde ka dhigtay saxiixyadeeda cusub ee suuqa xagaaga iyada oo uu Xavi dib u dhis ku wado kooxda.

Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog oo uu kula joogi doono kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou.

Oleksandr Zinchenko -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Oleksandr Zinchenko kaas oo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah.

Xiddiga Zinchenko oo Arsenal kula midoobay Mikel Arteta ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono Emirates.

Lisandro Martinez -> Man United

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Lisandro Martinez kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax.

Lisandro Martinez ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay samayso Man United suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay shaacisay saxiixa xiddiga.

Xiddiga reer Argentine ee Lisandro Martinez ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Robert Lewandowski -> Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay saxiixa Robert Lewandowski kala heshiisay kooxda Bayern Munich kadib wadahadalo muddo dheer socday.

Barcelona ayaa ogolaatay in ay bixiso lacagtii ay doonaysay Bayern Munich taas oo keentay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga reer Poland.

Robert Lewandowski ayaa noqon doona saxiixi 4-aad ee ay samayso kooxda Barcelona suuqa xagaagan kadib xiddigaha Franck Kessié, Andreas Christensen Iyo Raphinha.

Kalidou Koulibaly -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Kalidou Koulibaly kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Napoli.

Kalidou Koulibaly Ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay samaysay kooxda Thomas Tuchel isaga oo kooxda ugu soo biiray heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono Stamford Bridge.

Cristian Erikson -> Man United

Kooxda Man United ayaa xiddiga khadka dhexe ee Cristian Erikson ka dhigtay saxiixeedii 2-aad ee suuqa xagaaa iyada oo Si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixiisa.

Cristian Erikson ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford waxana uu la midoobay Tababarihiisii hore.

Xiddiga Cristian Erikson ayaa doortay Man United kadib markii uu xor noqday dhamaadkii xilli ciyaareedka waxana uu haatan si Rasmi ah u noqday xiddig Man United ah.

Raheem Sterling -> Chelsea:

Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Raheem Sterling kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.

Chelsea ayaa Xiddiga Raheem Sterling ka saxiixatay heshiis 5 sano ah iyo waliba hal sano oo dookh ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2028.

Raphinha -> Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Leeds United ee Raphinha.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa noqday saxiixyada kooxda Barcelona ee suuqa xagaagan kadib markii ay muddo bil ah lala xidhiidhinayay Barcelona.

Raphinha ayaa ogolaaday in uu qalinka ku duugi heshiis ilaa xagaaga 2027 ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

Paul Pogba -> Juventus

Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo ay qaab xor ah ula soo wareegtay.

Pogba aya ku soo laabtay Juventus kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda Man United dhamaadkii bishii hore.

Juventus ayaa xaqiijisay in uu Paul Pogba qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda marwada duqda ah.

Angel Di Maria -> Juventus:

Kooxda Juventus ayaa heshiis hal sano ah ka saxiixatay xiddiga Angel Di Maria kaas oo ay qaab xor ah kula soo wareegtay kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray PSG.

Xiddiga reer Argentine ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah iyo waliba hal sano oo dookh ah oo ay kooxdu ka saxiixan doonto hadii uu si fiican u ciyaaro.

Tyrell Malacia -> Man United

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Tyrell Malacia kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Feyenoord.

Man United ayaa Tyrell Malacia ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee Man United kadib markii ay si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga.

Man United ayaa xaqiijisay in ay Tyrell Malacia ka saxiixatay heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta garoonak Old Trafford.

Kalvin Phillips -> Man City:

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kalvin Phillips kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Leeds United.

Kooxda Man City ayaa xiddiga Phillips ka saxiixatay heshiis 6 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2028.

Gabriel Jesus -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Gabriel Jesus kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.

Gunners ayaa Gabriel Jesus ka dhigtay saxiixoodii 3-aad ee suuqa xagaaga waxana ay ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono Emirates.

Richarlison -> Tottenham

Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Richarlison.

Tottenham ayaa xiddiga reer Brazil ee Richarlison kala soo wareegtay kooxda Everton iyaga oo ka saxiixday heshiis 5 sano ah.

Vitinha -> PSG

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah u shaacisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Vitinha kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fc Porto.

PSG ayaa xaqiijisay in ay Vitinha ka saxiixatay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ka dhisan caasimada France.

Romelu Lukaku -> Inter Milan

Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Chelsea.

Inter Milan ayaa Romelu Lukaku kula wareegtay qaab amaah ah oo uu kula joogayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2022/2023.

Matty Turner -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Matty Turner kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda New England Revolution.

Arsenal ayaa xaqiijisay in ay Goolhayaha 28 jirka ah ka saxiixatay heshiis wakhti fg ah o uu ku joogi doono kooxda Arsenal.

Sadio Mane -> Bayern Munich

Bayern Munich ayaa ugu dambayn xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sadio Mane kaas oo ay kala wareegtay Liverpool.

Xiddiga reer Senegal Mane ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2025.

Fabio Vieira -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Fabio Vieira kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fc Porto.

Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Fabio Vieira qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono Arsenal.

Calvin Ramsey -> Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca midig ka ciyaara ee Calvin Ramsey kaas oo ay ka dhigtay saxiixeeda 3-aad ee suuqa xagaaga.

Liverool ayaa Calvin Ramsay kala soo wareegtay kooxda Aberdeen waxana ay ka dhigtay saxiixii 3-aad ee ay samaysay kooxdu.

Yves Bissouma -> Tottenham:

Kooxda Tottenham ayaa sii wada wacdarihii ay ka waday suuqa kala iibsiga iyaga oo dhamaystiray saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Yves Bissouma.

Arsenal ayaa xiddiga Yves Bissouma kala soo wareegtay Brigton iyaga oo ka saxiixday heshiis wakhti dheer ah iyaga oo ka dhigay saxiixeedii 3-aad ee suuqa xagaaga.

Darwin Nunez -> Liverpool

Liverpool ayaa ugu dambayn shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Darwin Nunez kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.

Reds ayaa Nunez ka dhigtay sidoo kale saxiixeeda ugu qaalisan taariikhda iyada oo ka soo bixisay dhan 100 milyan oo euro kalana soo wareegtay kooxda Benfica.

Aurelien Tchouameni -> Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco Aurelien Tchouameni sida uu sheegay saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano.

Real Madrid ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda Monaco maalmihii la soo dhaafay iyaga oo doonaya in ay xiddiga Tchouameni ka dhigtaan saxiixooda 2-aad ee suuqa xagaaga.

Erling Haalandn -> Man City:

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Man City ayaa haatan boggeeda Internte-ka ku xaqiijisay in ay heshiis la gaadhay kooxda Dortmund si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Norway.

Haaland ayaa noqon doona xiddiga Man City ah 10 bisha June ee uu furmi doono suuqa kala iibsiga xagaaga.

Fabio Carvalho to Liverpool -> Liverpool:

Kooxda Liverpol ayaa ku dhawaaqday maanta saxiixa xiddiga Fabio Carvalho kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fulham waxana ay ka saxiixatay heshiis 5 sano oo uu ku joogi doono kooxda Liverpool.

Ivan Perisić -> Tottenham:

Kooxda Tottenham ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Ivan Perisić kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Tottenham isaga oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah iska markaas noqday saxiixa ugu horeeya ee Antonio Conte.

Antonio Rudiger -> Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga Antonio Rudiger kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Chelsea.

Daafaca dhexe ee reer Germany ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ku guulaystay champions League.

Marquinhos -> Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Marquinhos kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda São Paulo.

Xiddiga da’yarka ah ee reer Brazil Marquinhos ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda Arsenal samaysay suuqa kala iibsiga.

Arsenal ayaa xiddiga Marquinhos ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Arsenal kana qayb ahaan doono kooxda.