WARBIXIN CAJIIB AH: Miyay Man United Ku Guulaysan Kartaa Premier League Xilli Ciyaareedkan, 5 Sababood Oo Cadaynaya Oo La Helay Isagana Mid Yihiin Markii Ay Ku Guulaysteen Horyaalka Ee 2006/2007

Kooxda Man United ayayna jirin koox xilli ciyaareedkan u saadaalinaysa ama xitaa ka fikiraysa in ay ku guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxa jirta waxyaabo ay Kooxda Man United ee haatan isaga mid yihiin xilli ciyaareedkii 2006/2007 markaas oo ay Man United ku guulaystay horyaalka premier League.

Hadaba wargayska Express ayaa shaaciyay 5 waxyaabood oo ay Man United haatan iyo kooxdii 2006/2007 ku guulaystay horyaalka isaga mid yihiin.

1.Maaliyada:

Kooxda Man United ayaa xilli ciyaareedkan ku ciyaaraysa maaliyad la calaamad ah midii ay kooxdu ku ciyaaraysay xilli ciyaareedkii 2006/2007 markaas oo calaamada kooxdu ahayd mid ku dhex jirta goobo iyo waliba Hadh ama Hoos.

Advertisements

Hadhka ay calaamada Man United ku jirtay sanadkaas ayaa ahayd cadaan laakiin xilli ciyaareedkan waa Midab Madow.

2.Xiddig Muhiim Ah Oo Doonayay In Uu Isaga Tago Kooxda:

Sanadkii 2006 Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda kadib markii uu xulka qaranka England ka reebay koobkii adduunka iskuna dheceen Wayne Rooney laakiin Sir Alex Ferguson ayaa ku qanciyay in uu iska joogo.

Xilli ciyaareedkan Pogba ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Man United isaga oo doonaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagagan.

3.Weerar Halis ah:

Kooxda Man United ayaa haystay sanadkaas weerar halis ah iyaga oo ay joogeen kooxda xiddigaha ugu fiican wakhtigaas kubada cagta.

Xiddigaha Ronaldo, Rooney, Louis Saha, Ryan Giggs & Ole Gunnar Solskjaer ayaa hogaaminayay weerarka kooxda Man United.

Xilli ciyaareedkan Man United ayaa haysata xiddigo la mid ah kuwaas oo kala Marcus Rashford, Anthony Martial, Daniel James, Mason Greenwood & Jesse Lingard kuwaas oo leh tayo ay kooxda ugu hogaamin karaan horyaalka,

4.In Ayna U Sharaxnayn U Tartamista Horyaalka:

2006 ma jirin hal qof oo Man United u saadaaliyay ama siiyay fursad iyada oo ay kooxda chelsea ahayd awooda premier League xilli uu hogaaminayay kooxda Jose Mourinho.

Laakiin Red Devils ayaa ka yaabsatay adduunka oo Ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkaas.

5.Solskjaer ayaa Joogay:

Ugu dambayn hal arin oo ay isaga mid yihiin ayaa ah Solskjaer kaas oo markaas joogay kooxda waliba ciyaarayay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Xiddiga ayaa dhaliyay 11 gool 32 kulan oo uu ciyaaray kadib isaga fadhiistay ciyaaraha kubada cagta.

Laakiin haatan ma ahan ciyaartoy laakiin waxa uu fadhiyaa kaydka isaga oo tababare ahaan u hogaaminaya kooxda.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*