WARBIXIN: Aubameyang, Tielemans, Zaha & Saxiixyada Dhici Kara Saacadaha Ugu Dambeeya Ee Suuqa Xagaaga.

maanta ayaa ah maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga xagaaga ee xidhmi doono suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxhaa kala duwan dadaal ugu jiraan sidii ay u samayn lahaayeen saxiixyada ay doonayaan ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

Kooxaha premier League ayaa si weyn loo filayaa in ay mashquul ahaadaan saacadaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Daily Mail ayaa soo saaray Liiska saxiixyada la filayo in ay kooxaha premier League sameeyaan saacadaha ka dhiman suuqa kala iibsiga xagaaga.

Josko Gvardiol -> Chelsea

Chelsea ayaa u muuqata mid ku sii dhawaanaysa saxiixa daafaca dhexe ee aadka loo qiimeeyo kaas oo sidoo kale soo jiitay indhaha kooxaha Manchester City iyo Tottenham.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa haatan kala xaajoonaysa RB Leipzig heshiis ku kacaya 75 milyan euro kadib markii ay ku dhawaaqday saxiixa Wesley Fofana.

Hadii ay RB Leipzig kala heshiiso saxiixa Gvardiol, Xiddiga Gvardiol ayaa amaah ku qaadan doona kooxdiisa haatan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Pierre-Emerick Aubameyang -> Chelsea:

Chelsea ayaa si aad ah ugu baahan weeraryahanka kadib bixitaankii Romelu Lukaku iyo Timo Werner waxana lala xidhiidhinyaaa xiddiga kooxda Barcelona ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Blues ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Barcelona waxana ay doonaysa ain ay saacadaha soo socda saxiixa xiddiga kala heshiiso kooxda reer Spain isla markaas 33 jirka ka dhigto weeraryahankeeda cusub.

Wilfried Zaha -> Chelsea, Arsenal:

Zaha ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka waxana uu qaab ciyaareedkiisu dagaal dhex dhigay kooxaha Arsenal iyo Chelsea kuwaas oo ku dagaalamaya saxiixa xiddiga.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Crystal Palace waxana ay kooxaha Arsenal iyo chelsea isku diyaarinayaan in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga waxana la filayaa in ay dalab ka gudbiyaan saacadaha soo socda.

Douglas Luiz -> Liverpool:

Kooxda Liverpool aad dhinaceeda aad ugu baahan saxiixa xiddig khadka dhexe ah waxana maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay xiddigo badan waxana ugu dambeeyay xiddiga Aston Villa ee Douglas Luiz.

Reds ayaa la sheegayaa in ay xitaa dalab 20 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin Liverpool ayaa tartan kala kulmaysa kooxaha Arsenal, chelsea iyo Atletico Madrid.

Youri Tielemans -> Arsenal, Liverpool, Newcastle:

Xiddiga Youri Tielemans ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Leicester City waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa, arintas ayaa keentay in ay kooxaha Arsenal, Newcastle iyo Liverpool xiiso u muujiyaan.

Leicester City ayaa xiddiga ku qiimaysa lacag dhan 25 milyan oo euro waxana xitaa la sheegayaa in koox aan la garanayn ay dalab 19 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Youri Tielemans.

Neymar -> Chelsea:

Chelsea ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga Neymar laakiin heshiiska ayaa ah mid adag marka la eego in uu xiddigu doonayo in uu sii joogo kooxda PSG.

Wararka ayaa sheegaya in ay PSG saxiixa xiddiga u soo bandhigtay Chelsea laakiin waxa aan eegi doonaa waxa dhaca hadii ay Chelsea qarxiso lama filaan isla markaas dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Idrissa Gana Gueye -> Everton
Daniel James -> Tottenham
Ainsley Maitland-Niles -> Southampton
Jeremie Boga -> Leicester
Craig Dawson -> Wolves, Aston Villa, Leicester
Samuel Chukwueze -> Everton
Conor Gallagher -> Crystal palace
Hakim Ziyech -> Ajax
James Garner -> Everton
Billy Gilmour -> Brighton
Joao Pedro -> Everton