WARBIXIN: Coutinho, Trippie & Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa January

Suuqa January  aay si Rasmi ah u furmay kooxaha kala duwan ee reer yurub bilaabaayaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaa suuqa u gali doona sidii ay u heli lahaayeen xiddigaha ay u arkaan kuwo xoojin kara kooxooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba sidii caadad ahayd kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta liiska saxiixyada dhaca maalinta ugu horaysa ilaa dhamaadka suuqa.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska saxiixyada ilaa haatan dhacay ee suuqa January:

Kieran Trippie -> Newcastle United

Kooxda Newcastle United ayaa xaqiijisay saxiixa Kieran Trippie kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Atletico Madrid oo uu joogay muddo 2 sano ah.

Kieran Trippie ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Kooxaha Man United iyo Arsenal kuwaas oo doonayay saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan kooxdooda.

Philippe Coutinho -> Aston Villa:

Kooxda Aston Villa ayaa Si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Philippe Coutinho kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Barcelona.

Philippe Coutinho ayaa Aston Villa ugu biiray qaab amaah ah isaga oo u ciyaari doona kooxda Inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Dani Alvaes -> Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa Alves la soo saxiixatay bilo ka hor furitaanka suuqa January iyaga oo dib u soo ceshaday xiddigeedii hore kaas oo bilaa koox ahaa isaga oo qaab xor ah ugu soo biiray.

Ferran Torres -> Barcelona:

Barcelona ayaa u muuqata kuwo ay ka go’antahay in ay dib u dhis weyn ku sameeyaan kooxda waxana ay dhamaystireen saxiixa xiddiga Ferran Torres kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Man City.

Torres ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa 2027 ah oo uu ku joogi doono kooxda Barcelona isaga oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay lacag ka bixiso kooxda Barcelona suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*