WARBIXIN: Africa Oo Ka Dhexmuuqata Semi-Final-ka Euro 2024.

Waxa la ciyaarayaa wareega Semi-Final-ka tartanka Euro 2024 iyada oo la sugayo kulamo xiiso leh oo la ciyaari doono.

Xulalka 4 ah ee isugu hadhay tartanka Euro 2024 waxa ka dhex muuqda xiddigo badan oo ka soo jeeda qaarada Africa.

Waxa ku jira  xiddig dhalasho ahaan ka soo jeeda qaarada Africa oo ka qayb ah kulamada Semi-final-ka Euro 2024.

Lamine Yamal:

Xiddiga u ciyaara xulka Spain ayay dhaleen Hooyo iyo Aabe ka soo jeeda dalalka Morroco iyo Guinea Bissau.

Nico Williams:

Waa xiddig kale oo u ciyaara xulka Spain waxana uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa xulka Ghana iyada oo walaalkiisa ka yar xitaa u ciyaaro xulka Ghana.

Bukayo Saka:

Xiddiga Arsenal ee guuldarada ka badbaadiyay xulka qaranka England kulankii Switzerland ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda xulka Nigeria.

Kobie Mainoo:

Xiddiga u soo kacay Man United ayaa isaguna u ciyaara xulka qaranka England laakiin dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeedaa xulka Ghana.

Marc Guéhi:

Waa xiddig kale oo u ciyaara xulka England waana daafaca Crystal Palace kaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Ivory Coast.

Ezri Konsa:

Waa daafac u ciyaara xulka England waxana uu ka soo jeedaa dalka DR Congo.

Eberechi Eze:

Waa xiddig kale oo u ciyaara xulka England laakiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Nigeria.

N’Golo Kante:

Xiddiga caanka ah ee Kante ayaa wacdaro ka dhigay xulka France mar walba oo uu u ciyaaro laakiin dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Mali.

William Saliba:

Daafaca kooxda Arsenal ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya xulka France waxana uu ka soo jeedaa dalka Cameroon.

Kylian Mbappe:

Kabtanka xulka France ayaa mar kale wacdaro dhigaya waxana kala dhaleen aabe iyo Hooyo ka soo jeeda Algeria iyo Cameroon.

Ousmane Dembélé:

Xiddiga garabka uga ciyaara xulka France iyo kooxda PSG waxa kala dhalay aabe iyo Hooyo ka soo jeeda Mali iyo Mauritania

Aurélien Tchouaméni

Xiddiga Real Madrid iyo xulka qaranka France ayaa ka soo jeeda dalka Cameroon.

Eduardo Camavinga:

Xiddigan ayaa ka soo jeeda dalka Angola.

Jules Koundé:

Xiddigan ayaa ka soo jeeda dalka Benin.

Dayot Upamecano:

Xiddigan u ciyaara France ayaa ka soo jeeda  Guinea Bissau.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga