WARBIXIN: Afar Koox Oo Isku Baacsanaya 2 Boos & Kulamada U Hadhay Koox Kasta Premier League

Afar koox oo Premier League ah ayaa kaliya isku baacsanaya 2 boos oo ka mid ah boosaska loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedkan xilli ay kaliya 3 kulan ka hadheen dhamaadka xilli ciyaareedka.

Kadib markii la xaqiijiyay in ay Man City ka soo qayb gali doonto champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii laga qaaday ganaaxa kaliy2 boos ayaa u banaan kooxaha kale ee premier League.

4 Kooxood ayaa kaliya kala sareeya 5 dhibcood xilli la galayo 3-dii kulan ee ugu dambeysay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Dhibcaha ay kala leeyihiin 4-ta koox ee ku tartamaya kaalinta 2-aad iyo 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League:

Kooxda chelsea ayaa haatan si ku meel gaadh ah ugu saraysa iyaga oo ku jira kaalinta 3-aad ee kala saraynta iyaga oo leh 60 dhibcood kuna joogsaday kadib guuldaradii Axadii soo gaadhay.

Leicester City oo dhankeeda kaalintaas ka bixi doonta hadii ay Man United caawa ka badiso Southampton ayaa leh 59 dhibcood iyaga oo dhankooda guuldaro kala kulmay kooxda Bournemouth.

Ugu dambayn kooxda Wolves ayaa iyadu ku jirta kaalinta 6-aad iyaga oo leh 55 dhibcood kaliyan 5 dhibcood ka dambeeya kooxda chelsea ee haatan ku jirta kaalinta 3-aad.

Image

Chelsea:

Kooxda chelsea oo caawa si Rasmi ah u waayi karta booskeeda 3-aad hadii ay Man United badiso kulanka caawa ayay u hadheen 3 kulan oo premier League ah iyada oo midkood la ciyaari doonta kooxda kula tartamaysa boosaska champions league ee Wolves halka ay kulan kale la ciyaari doonto kooxda ku guulaystay horyaalka ee Liverpool halka ay sidoo kale la ciyaari doonto kooxda haatanba ka hadhay horyaalka ee Norwich City.

Image

Leicester City:

Kooxdan oo aan aan marna u ciyaarin sidii ay u ciyaaraysay ka hor intii aan horyaalka la joojin ayaa ugu cad-cad in ay ka bixi doonto 5-ta ilaa 6-da boos ee ugu sareeya marka loo eego kulamada adag ee u hadhay iyo qaab ciyaareedkooda Liita.

Leicester City oo ku jirta kaalinta 3-aad caawana u dhaadhici karta kaalinta 4-aad hadii ay United badiso ayay u dhasnyihiin kulamada Sheffield United, Tottenham iyo kooxda ay boosaska champions League ku tartamayaan ee Man United.

Image

Man United:

Kooxda Man United oo caawa si Rasmi ah u gali karta kaalinta 3-aad hadii ay ka badiso kooxda Southampton ayay dhankeeda u hadheen kulamo aad u fudud inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Marka laga reebo kulanka caawa ee Southampton, Red Devils ayaa la ciyaari doonta kooxaha Crystal Palace, West Ham iyo Kooxda ay ku tartamayaan boosaska champions League ee Leicester City.

Image

Sii Akhriso: XASAASI: Taliyaha Ciidamda Xooga Dalka Somalia Oo Qarax Ka Badbaaday .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*