WARBIXIN: 8-dii Saxiix Ee Ayna Cidna Rumaysnayn In Ay Shaqayn Doonaan Laakiin Guulaystay.

Suuqa kala iibsiga ayaa ah mid khamaar ah iyada oo kooxda la soo wareegta xiddig ay filan karto wax walba hadii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo iyo hadii uu ku fashilmo.

Inta badan waxa jira xiddigo saxiixooda wax badan la filo iyo xiddigo la filo in ay fashilmayaan iyaga oo aan wax kubad ah taaban laguna qiimeeyo wax qabadkoodii hore.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 8-dii saxiix ee aanay jirin cid aaminsanayd in ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigi doonaan.

Mohamed Salah -> Liverpool

Markii uu Mohamed salah Liverpool ugu soo biiray lacag dhan 36 milyan oo euro waxa jirtay hadal hayn badan iyada oo ay dad badan filayeen in uu ku fashilmi doono Liverpool si la mid ah sidii uu ugu fashilmay kooxda chelsea.

Laakiin Salah ayaa beeniyay dadkii ka shakisnaa isaga oo noqday xiddigaha ugu fiican adduunka sidoo kale ah horyaalka premier League isaga oo kooxda Liverpool ka noqday Halyeey.

Diogo Maradona -> Napoli:

Diogo Maradona ayaa Halyeey ka ah kooxda Napoli iyada oo ilaa maanta ay sawiradiisa ku sawiran yihiin qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Naple.

Laakiin ka hor intii uuna ku soo biirin Napoli Xiddiga ayaa xitaa waayay koox la soo saxiixata isaga oo qirtay in ay Napoli ahayd kooxda kaliya ee doonaysay saxiixiisa kadib markii uu ku fashilmay kooxda Barcelona waxana la filayay in uu fashilmayo sidaasna kooxo badan uga jeesteen saxiixiisa.

Ugu dambayn Diogo Maradona ayaa isku qoray taariikhda horyaalka Serie A-da isaga oo guulo waaweyn ku hogaamiyay kooxda Napoli.

N’Golo Kante -> Leicester:

Ma jirin cid aqoon u leh Kante markii uu ku soo biirayay kooxda Leicester City waxana ay kooxdu u keentay in uu badalo xiddiga Esteban Cambiasso kaas oo muhiim u ahaa in ay leicester City horyaalka sii joogto.

Laakiin N’Golo Kante ayaa sii jiitay indhaha taageerayaal badan kadib wacdarihii uu dhigay sanadkii uu Leicester City kula guulaystay horyaalka premier League.

Virgil Van Dijk -> Liverpool:

Inkasta oo uuna shaki ku jirin tayadiisa hadana dad badan ayaa su’aal ka keenay lacagtii ay Liverpool ka soo bixisay Van Dijk ee ahayd 75-ka milyan waxana ay dad badan filayeen in uu fashilmo sabab la xidhiidha cadaadiska lacagta laga soo bixiyay.

Laakiin Van Dijk ayaa laf dhabar u noqday kooxda Liverpool isaga oo 4 koob kula guulaystay uguna weyn yihiin champions League iyo Premier League.

Thierry Henry -> Arsenal:

Thierry Henry ayaa Arsenal yimid isaga oo ku fashilmay kooxda Juventus waliba aan si joogto ah ugu ciyaarin jirin kooxda reer Italy.

Taageerayaasha Arsenal ayaa xitaa aan wax kalsooni ah ku qabin Thierry Henry markii uu yimid kooxda marka loo eego xiddigaha waaweyn ee kooxda hogaaminayay.

Laakiin Arsene Wenger ayaa ka dhigay xiddig muhiim ah isaga oo haatan Halyeey ka ah taariikhda Arsenal iyo Horyaaka Premier League.

Angel Di Maria -> PSG.

Markii uu Di Maria isaga tagay Man United taageerayaasha Red Devils iyo khabiiro badan oo kubad cagta ah ayaa si weyn ugu dabaal dagay in ay United ka taqalustay xiddiga reer Argentine.

Di Maria ayaa United yimid isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Real Madrid waliba koobab badan ku guulaystay wax weyn ayaana laga filayay laakiin ma samayn wixii laga doonayay.

Laakiin kadib markii uu ku biiray kooxda PSG Xiddiga reer Argentine ayaa dib u helay qaab ciyaareedkii fiicnaa isaga oo koobab kula guulaystay kooxda PSG kana mid ah xiddigaha haatan ugu fiican.

Romelu Lukaku -> Inter Milan:

Man United ayaa Romelu Lukaku ku iibisay 75 milyan oo euro waxana ay taageerayaasha kooxda iyo Halyeeyaduba ku faanayeen in ay dheceen Inter Milan lacag badana kaga qaateen xiddig bestii ah.

Taageerayaal badan oo kubada cagta ah ayaa la yaabay Inter Milan iyo waliba lacagtii ay ka bixisay iyaga oo si weyn loogu saadaaliyay in ay iska iibin doonaan suuqa ugu horeeya.

Laakiin Romelu ayaa ka yaabsaday adduunka isaga oo laf dhabar u noqday kooxda Inter Milan kuna tartama gool dhalinta Serie A-da xitaa taageerayaasha United iyo Halyeeyo Badan ayaa farta dhexda ka qaniinsan oo doonaya in ay dib u helaan Romelu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*