WARBIXIN: 7 Xiddig Oo Isaga Tagi Doona Real Madrid Suuqa Xagaaga

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday Liis xiddig oo la filayo in ay isaga tagaan kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli uu Zidane doonayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxdiisa.

Waxa jira xiddigo aan joogto ugu ciyaarin kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan sidaas darteed uu Zidane doonayo in uu iska diro xagaaga.

Liiska ayay ka mid yihiin 7 xiddig oo la filayo in ay isaga tagaan kooxda Dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay kooxdu u hesho lacag ay ku xoojio kooxda.

Xiddigaha Gareth Bale, James Rodriquez, Mariano Diaz ayaa hogaaminaya xiddigaha la filayo in ay ka tagaan Real Madrid.

Hadaba halkan hoose kaga bogo Liiska xiddigaha 7-da ah ee la filayo in ay ka tagaan Real Madrid.

Advertisements

Goolhayaha:

Andriy Lunin, Luka Zidane iyo waliba ku laabashada Alphonse Areola ee kooxda PSG Marka ay dhamaato heshiiskiisu.

Daafaca:

Éder Militão, Álvaro Odriozola hadii uu Achraf Hakimi ka soo laabto kooxda Dortmun, Marcelo iyo Nacho.

Khadka Dhexe:

James Rodriquez, Luka Modric, Hadii uu Martin Ødegaard Ku soo laabto kooxda.

Weerarka:

Gareth Bale, Luka Jovic, Mariano Diaz & Ibrahmi Diaz.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*