WARBIXIN: 7 Rikoodh Oo La Jabin Karo Tartanka Euro 2024

Waxa maata bilaaban doona tartanka Euro 2024 oo si weyn loo sugayay mudadii ugu dambaysay.

Waxa aan dhamaanteen iska ognahay in rikoodhada kubada cagta loo dhigay in la jabiyo laakiin waxa rikoodha khaas ah oo ay adagtahay in la jabiyo kubada cagta waxana aan halkan ku soo bandhigi doona 10-ka ugu weyn ka hor bilaabashada tartanka Euro 2024.

1.Daafac Adag:

Tartankii Euro 2012, xulka Qaranka Spain ayaa rikoodh ka dhigay ilaalinta shabaqooda daqiiqadaha xidhiidhka ah e tartanka Euro iyada oo aan shabaqooda la oo taaban 509 daqiiqo.

Kadib markii laga dhaliyay gool kulankii furitaanka  ay bar-baraha 1/1 ah la galeen xulka Italy, Spain ayaa ku guulaystay tartanka iyaga oo aan wax gool ah laga dhalin ilaa dhamaadkii tartanka.

2.Weerarka Ugu Halista badan:

Tartankii Euro 1984 xulka France ayaa dhaliyay 14 gool waxana uu ahaa weerarka ugu halista badan taariikhda tartan kaliya, ma la jabin karaa rikoodhkaas?

3.Gooldhaliya Tartan Kaliya:

Halyeeyga reer France ee Michel Platini ayaa haysta rikoodh ay adagtahay in la jabiyo isla markaas aan loo dhawaan 40 sano isaga oo dhaliyay 9 gool tartan kaliya sanadkii Euro 1984 waana rikoodh ay tahay in la jabiyo.

4.Saddexley:

Michel Platini ayaa dhigay rikoodh kale oo taariikhi ah saga oo dhaliyay saddexley kulan euro ah2 jeer tartan kaliya waana rikoodh ay adagtahay in la jabiyo.

5.Goolka ugu dhakhsaha badan:

Xiddiga reer Russia ee Dmitri Kirichenko yaa haliyay goolka ugu dhakhsaha badan ee tartanka Euro isaga oo dhaliyay gool kaliya 1 daqiiqo, 7 il-bidhiqsi.

6.Goolasha ugu badan kulan kaliya:

Sanadkii 1960  tartankii euro ayuu xulka Yugoslavia guul 5/ 4 ah ka Gaadhay xulka Qaranka France kulan la kala dhaliyay 9 gool waana kulanka laga dhaliyay goolasha Ugu Badan taariikhda tartanka.

7.Guushii ugu weynayd:

Xulka Qaranka Netherlands ayaa haysta Rikoodhka guusha ugu weyn Taariikhda tartanka iyaga Oo guul 6/1 ah ka gaadhay xulka Yugoslavia tartanka Euro sanadkii 2000.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga