WARBIXIN: 6 Xiddig Oo Chelsea Ah Oo Caawa Ciyaari Kara Kulankoodii Ugu Dambeeyay.

Frank Lampard ayaa qaatay xilli ciyaareed guul eh oo ah xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee uu ahaa tababaraha Blues.

Chelsea ayaa iska xaadirisay wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedka dambe iyaga oo kaalinta 4-aad kaga dhamaystay kala saraynta premier League waxana ay caawa la ciyaari doonaan Arsenal Final-ka FA Cup.

Lampard ayaa dareemaya in uu soo qaatay xilli ciyaareed guul leh inkasta oo uu ku shaqaynayay xiddigo da’yar ah iskana iibiyay xiddigiisii ugu fiicnaa ee kooxd Eden Hazard.

Chelsea ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddigaha cusub ee xilli ciyaareedka dambe iyada oo keentay xiddigaha Timo Werner Iyo Hakim Ziyech.

Xiddiga Kai Havertz Ayaa dhawaan kula soo biiri kara kooxda xilli ay kooxdu wali suuqa ugu jirto Goolhaye cusub iyaga oo lala xidhiidhinayo Goolhayayaasha Jan Oblak & Dean Henderson.

Saxiixyada cusub ee imanaya ayaa la macno ah in ay jirayaan xiddigo isaga tagaya kooxda waliba caawa ciyaari kara kulankoodii ugu dambeeyay ee Maxali ah.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha 6-da ah ee kulankan noqon doono kulankoodii ugu dambeeyay.

Xididga 1-aad ayaa ah Willian kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka bishan kadib markii uu ogolaaday in uu tartanka Europa Leageu la dhamaysto kooxda.

Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda hadana Willian ayaa ciyaari kara kulankiisii ugu dambeeyay ee FA Cup-ka.

Xiddiga 2-aad ayaa ah Goolhaye Kepa Arrizabalaga kaas oo si weyn loo filayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo Blues diyaar u tahay in ay hoos u dhigaan qiimaha ay ku iibinayso Goolhayaha si ay iska taqalisto.

Xiddiga 3-aad ayaa ah Michy Batshuayi kaas oo aan haatanba mustaqbal ku lahayn kooxda chelsea isaga oo ka dambeeya xiddigaha Tammy Abraham & Olivier Giroud.

Xiddiga 4-aad ayaa ah Jorginho kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Juventus iyada oo uu Marizio Sarri doonayo in uu dib ula midoobo xiddiga.

Xiddiga 5-aad ayaa ah Emerson Palmieri kaas oo u muuqda mid aan mustaqbal ku lahayn Blues una badantahay in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Xiddiga ugu dambeeya ayaa ah xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante kaas oo ay Jiraan warar sheegaya in ay Blues doonayso in ay iska iibiso xiddiga si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxda.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*