WARBIXIN: 6-dii Xiddig Ee Khadka Dhexe Ee Ugu Fiicnaa Sanadkii 2020 Oo La Soo Saaray.

Waxa aan sii wadnaa qiimaynta xiddigaha ugu fiican boos kasta 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub oo ay si xidhiidh ah u soo saarayso shabakada WhoScored.

Markan waxa aan eego doonaa khadka dhexe kaas oo ay ku soo qaadanayaan 6-da xiddig ee ugu fiican ee sanadkii 2020 qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

1) Kevin De Bruyne (Manchester City):

Marka aad maqasho khadka dhexe waxa shaki la’aan maskaxdaada ku soo baxaya xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadka 2020.

Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa kooxda Man City horyaalka u saftay 29 kulan sanadkii 2020 waxana uu noqday xiddig ka badan xiddig kasta oo booskiisa ah hadii ay tahay goolasha ama caawinta 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub waxana lagu qiimeeyay 7.72.

2) Rodrigo de Paul (Udinese):

Xiddigan ayaa laga yaabaa in ay dad badan la yaabaan in ay ku arkaan kaalinta 2-aad ee liiska laakiin xiddiga ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa sanadkii 2020 kooxdiisa u saftay 33 kulan isaga oo dhaliyay 8 gool sidoo kale caawiye ka noqay 6 kale waxana lagu qiimeeyay 7.56.

3) Joshua Kimmich (Bayern Munich):

Goretzka ayaa khadka dhexe ee Bayern ku weheliyay Kimmich kadib markii uu xiddigu xilli ciyaareedkii hore ku qaatay daafaca Midig kadib dhaawaco soo wajahay kooxda.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa Bayern Munich u ciyaaray 23 kulan oo horyaalka ah waxanaa uu dhaliyay 4 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 9 kale waxana lagu qiimeeyay 7.50.

4) Leon Goretzka (Bayern Munich):

Waa xiddig kale oo ayna cid si gaar ah ula socon horumarkiisa kadib qaab ciyaareed cajiib ah soo xiddigaLeon Goretzka uu soo bandhigay sanadka 2020.

Leon Goretzka oo 25 jir ah ayaa kooxdiisa Bayern Munich u ciyaaray 26 kulan waxana uu dhaliyay 7 gool halka uu caawiye ka noqday 6 kale waxana lagu qiimeeyay 7.43.

5) Casemiro (Real Madrid):

Xiddiga reer Brazil ayaa laf dhabar u ahaa kooxda Real Madrid isaga oo kooxda Zidnae u soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba si weyn loo dareemayay marka uu ka maqnaado shaxdiisa.

Xiddiga Casemiro ayaa kooxdiisa u dhaliyay 6 gool sanadkii 2020 waxana uu si weyn uga qayb qaatay ku guulaysiga Horyaalka la Liga waxana uu helay qiimayn dhan 7.34.

6) James Ward-Prowse (Southampton):

Kooxda Southampton ayaa ah kooxaha ugu fiican sanadka 2020 iyada oo kaliya 3 kooxood heleen dhibco ka badan premier League.

Waxa laf dhabar u ahaa guulahaas xiddiga khadka dhexe ee James Ward-Prowse kaas oo dhaliyay 5 gool waliba ku jiraan 4 laad oo xor ah sidoo kale caawiye ka noqday 4 kale waxana uu helay qiimayn dhan 7.28

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*