WARBIXIN: 7-da Saxiix Ee La Filayo In La Dhamaystiro Todobaadyada Soo Aadan.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa ah mida ugu xiisaha badan sanadka kubada cagta.

Kooxaha ayaa maali walba lala xidhiidhiyaa xiddigo halka xiddigaha sidoo kale maalin walba lala xidhiidhiyo kooxo cusub.

Inkasta Oo uu wakhti xaadirkan ka duwan yahay suuqyadii hore ee xagaagii la soo dhaafay hadana arintaas Ayaan kooxaha ka hor istaagi doonin in ay xoojiyaan kooxdooda lana soo saxiixdaan xiddigaha ay u arkaan kuwo fiican.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 6-da saxiix ee la filayo in ay todobaadyada soo socda la dhamaystiro:

Kostas Tsimikas -> Liverpool

Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Kostas Tsimikas kaas oo saacadaha soo socda tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Ku guulaystay horyaalka premier League.

Jadon Sancho -> Man United

Xiddiga reer England ayayna jirin maalin aan la soo hadal qaadin iyada oo lala xidhiidhinayo ku laabashada horyaalka premier League oo uu 3 sano ka hor ka tagay.

Xiddigii hore ee Man City ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United kuwaas oo doonayay bilihii ugu dambeeyay waxana uu saxiixiisu ku kici karaa lacag ka badan 100 milyan oo euro.

Kai Havertz -> Chelsea:

Xiddiga reer Germany ayaa si weyn looga hadal hayaa suuqa bilihii ugu dambeeyay waxana si weyn loo filayaa in uu ku soo biiro kooxda Chelsea todobaadyada soo socda.

Chelsea ayaa doonaysa in ay xiddiga tayada leh ee khadka dhexe ku xoojiso kooxdeeda waxana ay haatanba wadahadalo kula jirtaa kooxdiisa Bayer Leverkusen.

Willian -> Arsenal:

Heshiiska xiddiga 31 jirka ah ayaa si Rasmi ah u dhacay waxana uu maanta si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu ka tagay kooxda Chelsea.

Haatan waxa aan filano ayaa ah in ay kooxda Arsenal ku dhawaaqdo saxiixa xiddigaha maalmaha yar ee soo socda.

Kalidou Koulibaly -> Man City

Daafaca Napoli ayaa ka mid ah daafacyada loogu doonista badan yahay yurub kadib markii uu kooxda Napoli kula guulaystay koobka Coppa Italia.

Kooxda Napoli ayaa dhankooda shaaciyay in ay 70 milyan oo euro ku fasaxayso xiddiga iyada oo ilaa haatan lala xidhiidhinayo kooxda Man City.

Chris Smalling -> Roma

Xiddiga Chris Smalling ayaa xilli ciyaareed fiican ku soo qaatay kooxda caasimada Talyaaniga waxana la filayaa in ay kooxda Roma si toos ah ula wareegto xiddiga.

Inkasta oo ay man United diiday in ay kordhiso amaahda uu xididgu ku joogo Roma hadana waxa la sheegayaa in ay Roma diyaarinayso dalab 20 milyan ah si ay toos ula wareegto xiddiga oo ku faraxsan Serie A-da.

Kepa Arrizabalaga -> Valencia:

Waxa iska cad in uuna Goolhayaha reer Spain mustaqbal ku lahayn kooxda chelsea kadib markii uu seegay kulankii Champions League ee Bayern Munich.

Goolhayaha reer Spain oo ah Goolhayaha ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga Goolhayayaasha ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Valencia kuwaas oo amaah ku doonaya.

Sii Akhriso: Taliyihii Ilaalada Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Dagaal Dhexmaray Maleeshiyo Beeleedyo & Ciidamada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*