WARBIXIN: 57 Sano Kadib Kooxaha Ku Xafiiltama Magaalada Milan Oo Ku Tartamaya Horyaalka Serie A-da Maalinta Ugu Dambaysa Xilli Ciyaareedka.

Horyaalka Serie A-da ayaa xiiso gaar ah yeeshay xilli ciyaareedkan iyada oo tartanka horyaalka Lagu kala bixi doono maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka.

Kadib 90 daqiiqo oo ciyaarta ah, mid kasta oo ka mid ah kooxaha ka dhisan Magaalada Milan ayaa yeelan doona dareen gaar ah hadii ay tahay kooxda maaliyadeedu isugu jirto madawga iyo buluuga ama kooxda ay maaliyadeedu isugu jirto madawga iyo casaanka.

Hadii aanad xasuusan taariikha horyaalka Italy kaliya hal mar ayay horay u dhacday in ay kooxaha ku xafiiltama magaalada Milan isla aadaan horyaalka maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka waxana ay ahayd xilli ciyaareedkii 1964/1965.

Wakhtigaas waxa horyaalka ku guulaystay Inter Milan kuwaas oo laba dhibcood ku qaaday horyaalka iyada oo Inter Milan 2 Dhibcood ku hogaaminaysay horyaalka isla markaas gashay bar-barihii 2/2 ah, halka ay Ac Milan guuldaro kala kulantay kooxda Cagliari.

Laakiin xilli ciyaareedkan kadib 57 sano kooxda Ac Milan ayaa laba dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka waxana ay gacanta ku haysataa fursadeheeda ku guulaysiga horyaalka iyaga oo u baahan in ay hal dhibic ka helaan kulanka Sassuolo si ay ugu guulaystaan horyaalka.

Kooxaha reer Milan ayaa dhexdooda ku guulaystay 37 horyaal oo ka mid ah 120 horyaal oo la qabtay horyaalka Italy.