WARBIXIN: 5 Xiddig Oo U Baahan In Ay Isaga Tagaan Arsenal

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu dib u qaabayn doono kooxdiisa xagaagan isaga oo isha ku haya in uu horyaalka ku soo celiyo Emirates Stadium xilli ciyaareedka 2024/25.

Arsenal ayaa laba jeer ku dhawaatay ku guulayaiga premier league waxana ay doonayaan in ay ku guulaystaan marka 3-aad.

Arsenal ayaa la filayaa in ay samayso saxiixyo cusub inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sidoo kale waxa la filayaa in ay xiddigo ka tagaan kooxda.

Warbixintan waxa aan ku soo Bandhihi Doonaa 5 xiddig oo ay tahay in ay isaga tagaan kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga xagaagan.

Eddie Nketiah

Nketiah waxa uu ku sugnaa Arsenal tan iyo markii uu ahaa 16 jir waxana uu soo maray darajooyinka dhalinyarada. Rajo weyn ayaa laga qabay mar uu ka soo dhex baxay kooxda koowaad, waxaana uu muujiyay qaa ciyaareed fiican. Weeraryahanka ayaa dhaliyay sagaal gool 39 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii 2022/23 waxana fursad laga siiyay kooxda koowaad horaantii xilli ciyaareedkii hore markii uu dhaawacmay Gabriel Jesus. Waxa uu laba gool dhaliyay saddexdii kulan ee furitaanka laakiin waxa uu ku dhibaatooday In uu go dhaliyo ilaa dhamaadkii bishii October si uu mar kale shabaqa u soo taabto markii uu saddexley cajiib ah ka dhaliyay Sheffield United.

Si kastaba ha ahaatee, Nketiah wuxuu ku guuldareystay inuu ku dhiso seddexleydaas mana uusan wax gool ah ka dhalin horyaalka mar kale inta ka dhiman xilli ciyaareedka. Waxa uu boos ka waayay Kai Havertz waxana uu kaliya ciyaaray 4 daqiiqo oo badal ah intii lagu jiray sideedii kulan ee ugu dambeeyay ee Arsenal.

Reiss Nelson

Qalinjabiye kale oo akadeemiyad ah oo mar loo tixgalinayay inuu yahay xiddig mustaqbalka ah laakiin arimuhu uma socon sidii la filayay.

Ka dib markii uu amaah ku qaatay, 24-sano jirku waxa uu u ciyaaray si kaabis ah Saka labadii sano ee la soo dhaafay laakiin ma joogo heerkii loo baahnaa.

Nelson wuxuu ku guuldareystay inuu gool dhaliyo ama caawiye ka noqdo 15 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore. Goolkiisa kali ah waxa uu yimid EFL Cup oo uu ka hortagay Brentford, halka uu labo caawin ka sameeyay Champions League.

Dhab ahaantii si adag ayuu u shaqeeyaa, wuxuuna leeyahay karti, laakiin Nelson kuma filna Arsenal.

Oleksandr Zinchenko

Xilli ciyaareedkii hore wuxuu ahaa mid la yaab leh Zinchenko. Waxa uu si degdeg ah ul qabsaday Arsenal  ka dib markii uu kaga soo biiray Man City, waxaana uu ahaa ciyaaryahan muhiim ah xilli ciyaareedkii 2022/23. Waxa uu ahaa mid aad ula qabsaday ciyaarta Arsenal waxaana lagu doodi karaa mid ka mid ah ciyaartoyada ugu muhiimsan. Si kastaba ha ahaatee waxa uu aad ugu liitaa dhinac difaacashada.

Zinchenko ma uusan bilaaban mid ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka premier league taas oo kuu sheegi karta in aanu xiddigu mustaqbal ku lahayn kooxda.

Fabio Vieira

Ka dib markii uu kaga yimid Porto heshiis 34 milyan xiddiga ayaa noqday mid niyad jab ah waxana uu ku dhibaatooday in uu Soo Bandhigo Qaab ciyaareedkiisa fc porto.

Albert Lokonga

Lokonga wuxuu ka yimid Anderlecht 2021 isagoo lagu tiriyo xiddigaha u soo kacaya kubada cagta.

Waxa uu Soo Bandhigay Qaab ciyaareed fiican bilowgii noloshiisa Arsenal laakiin kadib waxa uu ku dhibaatooday in uu is muujiyo waxana uu kooxda Uga baxay amaaho badan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga