WARBIXIN: 5 Xiddig Oo La Filayo In Ay Ka Tagaan Arsenal Inta Lagu Jiro Suuqa January.

Waxa aan haatanba ku dhawnahay bartamaha suuqa January kooxda Arsenal ayaana horumar ka samaynaysa dhanka suuqa kala iibsiga.

Gunners ayaa haatanba kooxda ka dirtay xiddigaha Sead Kolasinac iyo William Saliba kuwaas oo ku kala biiray kooxaha Schalke iyo Nice.

Sidoo kale waxa la filayaa in ay Arsenal siiw ado iska dirista xiddigaha inta uu socdo suuqa Jnauary ka hor inta ayna saxiixyo cusub samayn.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 xiddig oo dhawaan macasalaamayn doona kooxda Arsenal kana tagi doona.

Mesut Ozil:

Waxa hubaal ah in uu xiddiga reer Germany isaga tagi doono kooxda Arsenal bishan kadib muddo dheer oo uu la joogay.

Ozil ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda reer Turkey ee Fenerbahce isaga oo xitaa Twitter-kiisa si maldahan ugu sheegay in uu ku biirayo kooxda Fenerbahce.

Runar Alex Runarsson:

Arsenal ayaa Goolhaye Runar Alex Runarsson ula soo saxiixatay badalka Emiliano Martinez iyo waliba in uu badal u noqdo Bernd Leno marka uu dhaawacmo.

Laakiin Goolhayaha ayaan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin isaga oo sameeyay khaladaad waaweny sameeyay kulankii Man City ee Carabao Cup-ka.

Sidaas dareed kooxda Arsenal ayaa la filaaya in ay qaab amaah ah ku dirto Goolhayaha si uu horumar u sameeyo kuna soo laabto kooxda.

Sokratis:

Daafaca dhexe ee reer Greek ayaa ka baxay qorshaha Mikel Arteta isaga oo aan wax kulan ah u ciyaarin kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa si weyn loo hubaa in uu isaga tagi doono Emirates maadama uuna wax daqiiqad ah ciyaarin ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Shkodran Mustafi:

Daafac dhexe oo kale kaas oo ay Arsenal doonayso in ay iska dirto waana xiddiga Shkodran Mustafi.

Xiddiga reer Germany ayaa xagaagii la filayay in uu isaga tago kooxda xagaagii laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu koox cusub helo.

Sidaas darteed xiddiga ayaa bishan lala xidhiidhinayaa in uu ku biirayo kooxda reer Italy ee Geona.

Calum Chambers:

Waa daafacii 3-aad ee la filayo in uu isaga tago kooxda kadib markii gabi ahaan lagu iloobay kooxda.

Xiddiga Calum Chambers ayaa kaliya hal kulan u ciyaaray kadib muddo sanad ah oo uu dhaawac ku maqnaa waxana la filayaa in uu bishan isaga tago kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Hadii Uu Ninku Kuu Sameeyo 6-dan Arin Ha Sii Dayn, Waa Kii Nolosha Kula Wadaagi Lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*