WARBIXIN: 5 Xiddig Oo Bartilmaameed U Ah Arsenal Kuwaas Oo Iska Diidi Doona Gunners Kadib Rajadoodii Champions League Oo God Ku Dhacday.

Rajadii Arsenal ee u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa god madaw ku dhacday kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ka soo gaadhay Newcastle.

Gunners ayaa u baahan in ay ka badiso Everton Maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka isla markaas rajaydo in ay Tottenham guuldaro kala kulanto Norwich City.

Arsenal ayaa ugu cad-cadayd in ay u soo baxdo champions league xilli ciyaareedka dambe waxana uu Arteta bilaabay xiddigo uu ku xoojin doono kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe champions League.

Laakiin Guularadii soo gaadhay Arsenal ayaa la macno ah in ay Arsenal haatan waayi doonto xiddigo badan oo bartilmaameed u ahaa hadii ayna u soo bixin champions League xilli ciyaareedka dambe.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5 xiddig oo iska diidi doona Arsenal hadii ay ku fashilanto u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Gabriel Jesus:

Xiddiga reer Brazil ayaa aad loola xidhiidhinayaa Arsenal waxana ay Kooxdu isku diyaarinaysay in ay dalab ka gudbiso saxiixiisa si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin guuldaradii Newcastle oo sabab u noqon karta in ayna Arsenal u soo bixin champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa sabab u noqon karta in uu Jesus iska diido Arsenal.

Paulo Dybala:

Gunners ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddiga Juventus kadib markii wakiilkiisu u soo bandhigay saxiixa xiddiga.

Laakiin xiddiga reer Argentine ayaa iska diidi doona Arsenal hadii ayna Gunners u so bixin champions League xilli ciyaareedka dambe.

Raheem Sterling:

Xiddiga reer England ayaa lala xidhiidhinayay Arsenal todo baadyadii ugu dambeeyay iyada oo xiddigu galayo sanadkiisii ugu dambeeyay ee hshiiskiisa kooxda Man City.

Mikel Arteta ayaa xiddiga Raheem Sterling ka dhigtay bartilmaameed laakiin xiddiga ayaa iska diidi doona hadii ayna Arsenal u soo bixin champions League xilli ciyaareedka Dambe.

Darwin Nunez:

Xiddiga Benfica ee Darwin Nunez ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer Yurub ah kadib qaab ciyaareedka uu ku soo bandhigay kooxda Benfica xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha lala xidhiidhinayo saxiixa xiddiga laakiin Gunners ayaa waayi doonta saxiixa xiddiga marka loo eego in uu xiddigu haysto dalabyo kale oo waliba kooxo ka ciyaari doona champions League.

Youri Tielemans:

Xiddiga reer Belguim ayaa la sheegayaa in uu wadahadalo la qaatay kooxda Arsenal isaga oo waliba doonaya in uu isaga tago kooxda Leicester City.

Laakiin shardiga xiddiga ayaa ahaa in ay Arsenal marka hore u soo baxdo champions League maadama uu doonayo in uu ku biiro koox ka ciyaari doonta champions League xilli ciyaareedka dambe.