WARBIXIN: 5-ta Saxiix Ee Ugu Waaweyn Ee Laga Yaabo In Ay Dhacaan Suuqa January

Waxa maanta si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxaha reer yurub isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda inta ay bishan furantahay.

Waxa la filayaa in ay dhacaan saxiixyo waaweyn oo ay ka mid yihiin xiddigaha Erling Haaland ama Eden Hazard iyo saxiixyo kale oo waaweyn.

Kylian Mbappe

Kylian Mbappe ayaa ah ciyaaryahanka loogu doonista badan yahay suuqa. PSG ayaa diiday inay u ogolaato inuu baxo xagaagii, laakiin hadda qandaraaskiisu wuxuu dhamaanayaa June 2022 waxana uu awood u leeyahay in uu heshiis hordhac ah la galo kooxda uu doonayo.

PSG ayaa laga yaabaa in ay go’aansato in ayna lacag la’aan ku fasaxin xiddiga sidaas darteed ay aqbasho in ay iska iibiso xiddiga inta lagu jiro suuqa Janaury.

Eden Hazard

Waa mid ka mid ah xiddigaha Real madrid isaga tagi doona kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda kuna fashilmay in uu buuxiyo booskii Cristiano Ronaldo ee loo soo iibiyay.

Hazard ayaa lala xidhiidhinayaa in uu ku laaban karo England ama kooxdiisii hore ee Lille hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga.

Anthony Martial

Anthony Martial ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United kadib markii uu xidigu warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxdiisa kadib markii uu boos ka helo kooxda Red Devils.

Kooxo dhowr ah ayaa xiiseyna saxiixa xiddiga kuwaas oo ay ka mid yihiin Juventus, Atletico Madrid, Barcelona, ​​Newcastle, Arsenal iyo Sevilla.

Erling Haaland

Weeraryahanka Norway ayaa ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karaa 75 milyan euro taas oo keenaysa in uu xiiso ka helo kooxo badan.

Barcelona ayaa lala xiriirinayay isaga iyo sidoo kale kooxo kale oo waaweyn, iyadoo Borussia Dortmund ay ka hartay Champions League taas oo keeni karta in uu xiddigu isaga tago kooxda.

Sergino Dest

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha ay Barcelona iska iibin doonto suuqa January si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxda kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Xavi.

Kooxaha chelsea iyo Arsenal ayaa ilaa haatan xiiso dhab ah u muujiyay saxiixa xiddiga Barcelona ayaana diyaar u ah in ay ku iibiso lacag dhan 30 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*