WARBIXIN: 5-ta Kooxood Ee Ugu Qiimaha Badnaa Sanadkii 2020 Oo La Shaaciyay

Qiimaha kooxah ee suuqa kala iibsiga waxa qiimeeya shabakada Transfer Market iyada oo lagu qiimeeyo tayada, qaab ciyaareedka iyo waliba da’da xiddigaha kooxda jooga.

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday sanadka 2020 kaas oo lagu dhex jiray xanuunka Korona kaas oo saamayn weyn ku yeeshay kubada cagta dhinac walba ah.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5-ta kooxood ee ugu qiimaha badnaa sanadkii 2020 ee dhamaaday:

1.Manchester City – Kooxda Pep Guardiola ayaa lagu qiimeeyay sanadkii 2020 lacag dhan 1.08 bilyan taas oo ka dhigaysa kooxdii ugu qiimaha badnayd sanadkii 2020 iyada oo uu Raheem Sterling ahaan xiddigii ugu qiimaha Badnaa Man City.

2.Liverpool – Kooxda Man City ayaa la qiimo ah kooxda Man City iyaga oo sanadkii tagay lagu qiimeeyay 1.08 bilyna xilli uu Mohamed Salah yahay xiddiga ugu qiimaha Badnaa Liverpool.

3.Bayern Munich – Kooxda xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay champions league ee Bayern Munich ayaa sanadkii 2020 lagu qiimeeyay lacag dhan €895.7 bilyan iyada oo Robert Lewandowski Ahaa xiddigooda ugu qiimaha badnaa.

4.Barcelona – Lionel Messi ayaa ahaa xiddiga ugu qiimaha badnaa Barcelona xilli kooxdiisa lagu qiimeeyay lacag dhan €888.0 bilyan.

5.Paris Saint Germain – Kooxda gaadhay Final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkii hore waxana lagu qiimee €856.0 bilyan xilli Mbappe yahay xiddigooda ugu qiimaha badan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Khald Oo Ay Gabdhuhu Galaan Kulankooda Ugu Horeeya Ee Ay La Kulmaan Ninka, Ka Fogow Gabadheey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*