WARBIXIN: 5-ta Kooxood Ee Halista Ugu Jira In Ay Ka Hadhaan Champions League

Waxa la soo afjaray kulamadii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League oo la ciyaaray salaasadii iyo Arbacadii.

Waxa todobaadkan la arkay natiijooyin kale oo lama filaan ah kuwaas oo ay kooxo waaweyn dhibco lumiyeen.

Kooxaha Atletico Madrid, Juventus iyo chelsea ayaa dhamaantood dhibco lumiyay kadib markii la ciyaaray kulamadii 2-aad.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 kooxood oo halis ugu jira in ay ku fashilmaan in ay u gudbaan wareega xiga ee tartanka champions League.

Chelsea:

Kooxda Premier League ka dhisan ayaan wali wax guul ah ka gaadhin champions League iyaga oo hal dhibic ka helay labadii kulan ee ay ciyaareen champions League.

Blues ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Dinamo Zagreb ka hor inta ayna bar-baro 1/1 ah la galin kooxda RB Salzburg taas oo la macno ah in ay chelsea halis ugu jirto in ay u soo baxdo wareega xiga.

Juventus:

Kooxda Juventus ayaa guuldaro la kulantay labadii kulan ee ay ciyaartay tartanka champions League iyada oo guuldaro kala kulantay kooxda PSG kulankoodii ugu horeeyay ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin kooxda Benfica kulankii 2-aad.

Juventus ayaa ku jirta xaal adag waxana ay ka mid tahay kooxaha ugu cad-cad in ay ku fashilmaan in ay u soo baxaan wareega xiga ee tartanka champions League.

Tottenham Hotspur:

Waa Koox kale oo premier League ah kuwaas oo si xun ku bilowday xilli ciyaareedkooda tartanka champions League, iyada oo Tottenham guuldaro la kulantay kulankoodii 2-aad ee ay la ciyaareen Sporting Libson.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa kaalinta 2-aad kaga jirta Group-ka waxana ay halis ugu jirtaa in ay ku fashilanto u soo bixista wareega xiga ee tartanka.

Inter Milan:

Kooxda reer Italy ayaa ka soo laabatay guuldaradii ka soo gaadhay Bayern waxana ay 2/0 uga badiyeen kooxda Viktoria Plzen laakiin Inter Milan ayaa u muuqata kuwo ku dhibaatoonaya tartanka champions League.

Group-ka ay ku jirto Inter waxa kula jira Bayern Munich iyo Barcelona sidaas darteed waxa ay ugu cad-cadahay in ay ku dhamaystaan kaalinta 3-aad.

Atletico Madrid:

Kooxda Atletico Madrid ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka champions League waxana ay guul daro kala kulmeen kooxda Bayer Leverkusen.

Atletico Madrid ayaa sidoo kale qaab ciyaareed liita ku jirta tartanka champions League waxana ay arintaas la macno tahay Atletico Madrid halis ugu jirto ka hadhista tartanka.