WARBIXIN: 5 Sabab Oo Uu Isco U Doonayo In Uu Uga Tago Real Madrid.

Wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday 5 sabab oo Xiddiga Isco ku riixo in ay kooxda Real Madrid iibiso marka la gaadho suuqa January.

Xiddiga reer Spain ayaa dalbaday in ay kooxdu iska iibiso marka uu furmo suuqu si uu u raadsado koox uu joogto ugu ciyaari karo.

Hadaba warbixintan hoose kaga bogo 5-ta sabab ee uu Isco u dalbaday in uu isaga tago kooxda Real Madrid

1.Kadib 7 sano oo uu joogay kooxda kulana guulaystay 16 koob Isco ayaa rumaysan in la gaadhay wakhtigii uu isaga tagi lahaa kooxda, Inkasta oo uu muhiim ka ahaa kooxdii tababare Carlo Ancelotti iyo waliba bilowgii Hore ee Zidane xiddga ayaa ka baxay qorshaha tababaraha reer France kadib markii uu ku soo laabtay kooxda, Isco ayaa heshiiskiisa kordhiyay kooxda kana dhigay 2017 ilaa 2022 waxana uu haatan doonayaa in uu isaga tago kooxda ka hor inta uuna galin sanadkiisa ugu dambeeya.

2.Isco ayaan ciyaarin champions League xilli ciyaareedkan halka uuna sidoo kale joogto ugu ciyaarin horyaalka La Liga isaga oo badal ku soo baxay daqiiqadii 57-aad kulankii Valencia.

Xiddiga ayaan sidoo kale ciyaaarin kulankii El Clasico taas oo muujinaysa in uuna ka mid ahayn qorshaha tababaraha ee kooxda 1-aad waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda marka la gaadho suuqa January si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaari karo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

3.Soo celinta kalsoonida uu naftiisa ku qabo kadib laba sano oo uu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay waxana uu doonayaa in uu ku biiro koox iyo tababare ku kalsoon oo ciyaarsiin kara kulamada.

4.Isco ayaa doonaya in uu ku soo laabto xulka qarankiisa kadib markii uu tababare Luis Enrique ka reebay qorshihiisa kulamadii ugu dambeeyay waxana uu doonayaa in uu ku soo laabto waajibaadka xulka qarankiisa.

5.Maadama uu heshiiskiisa Real Madrid ku dhawyahay in uu dhoco Isco ayaa dareensan in ay gaadhay wakhtigii uu isaga tagi lahaa kooxda waxana uu dalbaday in uu suuqa January ka tago halkii uu si xor ah uga tagi lahaa kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*