WARBIXIN: 5 Sabab Oo Barcelona Ku Riixaysa In Ay La Saxiixato Da’yarka Eric Garcia

Kooxda Barcelona ayaa talaabo muhiim ah u qaaday saxiixa xiddiga da’yarka ah ee kooxda Man City ee Eric Garcia kadib markii uu diiday in uu heshiis cusu u saxiixo kooxda Man City.

Tababare Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu Eric Garcia u sheegay kooxda in uu doonayo in uu isgaa tago kooxda waliba doonayo in uu ku Laabto kooxda Barcelona oo uu Akademiyadeeda ka soo baxay.

Hadaba wargaysk Mundo Deportivo ayaa soo saaray warbixinta 5 sabab oo ay Barcelona u doonayso saxiixa xiddiga 19 jirka ah ee Eric Garcia.

1.Barcelona ayaa raadinaysa badalka Gerrard Pique kaas oo haatan 33 jir ah marka loo eego hoos u dhaca ku yimid daafaca Samuel Umtiti kaas oo sidoo kale ku dhaw in uu ka tago kooxda Barcelona xagaagan.

2.Da’da Eric Garcia ee yar taas oo ka caawinaysa in uu kooxda u ciyaaro muddo dheer waliba hogaamiye u noqon karo jiilka cusub ee ay kooxdu doonayso.

3.Eric Garcia ayaa mar ah xiddig hogaamiye u ah jiilkiisa waxana uu haatanba hogaamiye ka yahay xulka qaranka Spain ee da’yarka.

4.In ay ku kalsoontahay kooxdu in uuna Eric Garcia ku fashilmi doonin kooxda sidii ku dhacday xiddigo badan oo daafac ah oo ay la soo saxiixdeen maadama uu yahay xiddig markii horeba Akademiyada La Masia ka soo baxay.

5.Eric Garcia In uu ka soo hoos shaqeeyay tababare Pep Guardiola kaas oo ah Aas-Aasaha kubada Barcelona ee cusub waxana uuu leeyahay awood uu kaga mid noqon karo mustaqbalka Barcelona.

1 Comment

  1. Waxan idinku boorinaya in aad tabisaan ciyaaraha dalka website afsomali ku hadla hadana aan tabineyn wixi dalka ka dhaca ceeb wye ciyaartoyda dalka dhiira geliya oo qiimeeya si qiimo uyeeshan inti aad ajaanid xooga saari laheys

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*