WARBIXIN: 5 Sabab Oo Ay Barcelona U Garaaci Doonto Bayern Munich Kulanka Caawa.

Barcelona ayaa wajihi doonta tijaabadii ugu horaysay ee xili ciyaareedka 2022-23 marka ay u safarto Allianz Arena si ay Bayern Munich ula ciyaarto kulan ka tirsan heerka guruubyada UEFA Champions League.

Kooxda Catalans ayaa 5-1 kaga badisay Viktoria Plzen kulankoodii furitaanka ee Champions League halka Bayern Munich ay 2-0 kaga badisay Inter Milan.

Ka dib markii ay ku guuldareysteen inay ka gudbaan wareega group-yada ee tartamada champions League xilli ciyaareedkii hore, wiilasha Xavi Hernandez ayaa doonaya in ayna arintaas mar kale dhicin.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababaha ay Barcelona u badin doonto kulanka caawa ee champions League:

1.Doorka Robert Lewandowski:

Markii Bayern Munich ay labo jeer ku garaacday Barcelona wareega group-yada Champions League natiijo ah 3/0 waxaa weerarka hogaaminayay Robert Lewandowski. Waxa uu laba gool dhaliyay kulankii ugu horeeyay ee ay Bayern 3-0 kaga badisay Barcelona xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin xaalka ayaa is badalay haatan iyada oo uu Lewandowski U Wareegay kooxda Barcelona, Waa ciyaaryahanka ugu qaab ciyaareedka fiican Barcelona haatan, isagoo dhaliyay sagaal gool, waxaana uu caawiyay labo gool lix kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ilaa haatan.

Lewandowski ayaa saxiix weyn u ahaa Barcelona waxana durba la dareemay joogitaankiisa weerarka Barcelona waxana uu samayn karaa farqi weyn kulanka caawa.

2.Barcelona ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay si Fiican:

Tan iyo markii ay barbardhac gool la’aan ah kala kulmeen Rayo Vallecano kulankoodii furitaanka horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, Barca ayaa badisay dhammaan shantii kulan ee ay ciyaartay.

Kuwaas oo dhami waxay ahaayeen guulo waaweyn sidoo kale. Waxa ay 4-1 kaga badiyeen Real Sociedad, Valladolid 4-0, Sevilla 3-0, Viktoria Plzen 5-1 iyo Cadiz 4-0.

Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale xoojiyay difaacooda iyaga oo 4 ka mid ah 6-dii kulan ee ay ciyaareen shabaqooda ilaashaday horyaalka La Liga.

3.Bayern Munich ayaan ku jirin qaab ciyaareed fiican:

Bayern Munich ayaa si gaabis ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka 2022-23 iyagoo dhibco lumiyay 6-dii kulan ee ay ciyaareen horyaalka Bundesliga iyaga oo bar-baro galay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen Horyaalka Bundesliga.

Waxaa xusid mudan in kaliya ay badiyeen labo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaareen tartamada oo dhan. Ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Inter Milan todobaadkii hore ka hor inta ayna bar-baro la galin VfB Stuttgart.

4.Barcelona Oo Haysata Dookhyo Kaydka ah oo Ay Ciyaarta wax kaga badali karto:

Bayern Munich waxaa ka maqnaan doona Kingsley Coman kulanka Barcelona. Dhanka kale, Catalans ayaa ku jira awood buuxda, waxaana ay heystaan ​​mid ka mid ah kooxaha ugu xoogan Yurub oo dhan.

Waxa ay kaydka ku haystaan xiddigo muhiim oo tayo leh kuwaas oo ciyaarta ka badali kara daqiiqad kasta marka ay ciyaarta badal ku soo galaan.

Robert Lewandowski, Ousmane Dembele iyo Raphinha ayaa la filayaa inay weerarka hogaamiyaan, laakiin waxa kaydka u fadhiyi doona xiddigo ay ka mid yihiin Ansu Fati, Memphis Depay iyo Ferran Torres. Dhammaantood waxay awoodaan inay go’aamiyaan kulanka marka ay soo galaan ciyaarta.

5.Rikoorka Xavi Hernandez ee kulamada waa wayn:

Xavi Hernandez ayaa rikoor amaan ah ku leh kulamada heerka sare ah tan iyo markii loo magacaabay tababaraha Barcelona. Intii uu macalinka ahaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2021-22, Blaugrana waxa ay 4-0 ku garaacday Real Madrid, Atletico Madrid 4-2, Napoli 5-3 iyo Sevilla 1-0.

Xiliciyaareed kaan, Barca ayaa 3-0 ku garaacday Sevilla, waxaana sidoo kale u suurtagashay in ay kooxda Manchester City ku qabato barbaro 3-3, inkastoo uu ahaa kulan saaxiibtinimo. Xavi wuxuu u muuqdaa inuu awood u leeyahay inuu ku dhiirigeliyo ciyaartoydiisa inay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican marka ay la ciyaarayaan kooxaha waaweyn.