WARBIXIN: 5 Sabab Oo Arsenal Ka Caawin Karta In Ay Garaacdo Tottenham Kulanka Maanta.

Kulanka North London Derby ayaa ah mid xiiso gaar ah leh maanta iyada oo ay labada kooxoodba ku dagaalamayaan kaalinta 1-aad ee horyaalka premier League.

Shaki la’aan taageerayaasha labada kooxood ayaa wajahay naxdin maadama dhibcaha kulanka ayna u qaybsamin laba dhinac mid walbana doonayaan in ay iyagu helaan.

Kulanka ayaa ah midkii ugu xiisaha badnaa sanadihii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha in ay labada kooxood kulanka soo galayaan iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 5 sabab oo Arsenal ka caawin karta in ay garaacdo Tottenham kulanka maanta:

1.Garoonka Emirates:

Arsenal ayaa haysata faa’iidada garoonkeeda, lamana dhayalsan karo arintaas marka la eego in ay taageerayaasha Arsenal soo buux dhaafiyaan garoonka tan ilaa markii ay kooxduudu bilowday in ay si fiican u ciyaarto.

Taageerayaal cusub, Koox soo jiidasho leh, isku duubnaan iyo waliba in Taageerayaashu door ka qaataan qaab ciyaareedka Arsenal ayaa kooxda Arteta ka caawin karta guul muhiim ah.

2.Cadaadis badan:

Cadaadiska Arsenal ee uu hogaaminayo Gabriel Jesus ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan u midho dhalisay Arsenal waxana ay arintaas dhaawacaysaa 3-da daafaca ah ee ay Tottenham ku ciyaarto.

Xiddigaha Arsenal ayaan marna joojin in ay cadaadis saaraan kooxda ka soo hor jeeda waxana ay arintaas faa’iido weyn u leedahay Arsenal iyo fursadohooda in ay garaacaan Tottenham.

3.Daafac Adag:

Tottenham ayaa ku tiirsanaan doonta in ay weeraro rogaal celis ah ku qaadaan Arsenal iyaga oo adeegsanaya orodka badan ee Son Heung-min Sidaas darteed waxa laga yaabaa in uu Arteta ciyaarsiiyo xiddiga Kieran Tierney hadii uu taam yahay maadama uu ka orod badan yahay Oleksandr Zinchenko.

Dhinaca kale Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan ku taamaysa daafaca ugu adag premier League iyada oo ay xiddigaha William Saliba & Gabriel bir ka dhigeen daafaca dambe ee Kooxda.

4.Ilaalinta Harry Kane:

Saliba, inkasta oo uuna khibrad badan lahayd, waxa uu noqon karaa xiddig joojiya Harry Kane.

Xiddiga reer France ayaa ah xiddig dheer oo waliba awood leh isla markaas orod badan waxana uu joojin karaa kabtanka xulka England England.

Si ay Tottenham u badiso, Kane ayaa u baahan in uu saamayn weyn ku yeesho ciyaarta laakiin waxa ay u badantahay in uu ku dhibaatoon doono daafaca adag ee Arsenal.

5.Daal La’aan:

Xiddigaha Arsenal intooda badan ayaan aadin waajibaadka xulalkooda intii lagu jiray fasaxa xulalka.

Xiddigaha muhiimka ah ee Jesus, Martinelli, Aaron Ramsdale, White & Gabriel ayaa dhamanatood si fiican u nastay intii lagu jiray fasaxa.

Sidoo kale Saka iyo Odegaard ayaan ciyaarin 90 daqiiqo kulamadii ay xulalkooda u ciyaareen.

Hadii aan soo gaabiyo kala badh shaxda Arsenal ee kulanka la filayo in ay ku bilwodaan ayaa si fiican u nastay intii ay socdeen fasaxa xulalka waxana ay taasi faa’iido weyn u tahay Arsenal.