WARBIXIN: 5 Meel Oo Ay Ku Kala Badin karaan Chelsea & Leicester City Final-ka FA Cup-ka Maanta.

Kooxaha chelsea iyo Leicester City ayaa isaga hor iman doona Final-ka FA Cup-ka maanta oo sabti ah.

Kadib markii ay soo kala garaaceen kooxaha Man City iyo Southampton Thomas Tuchel iyo Bredan Rodgers ayaa isku arki doona kuna dagaalami doona koobkoodii ugu horeeyay ee kooxohooda haatan.

Labada kooxood ayaa sidoo kale tartan ugu jira ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu saraysa premier League iyaga oo mar kale Todobaadka dambe ku kulmi doona Stamford Bridge.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay ku kala badin karaan labada kooxood kulanka caawa.

N’Golo Kante vs Wilfred Ndidi

Waa laba xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskooda premeir League waxana ay isaga hor iman doonaan khadka dhexe ee daafaca kulanka maanta.

Xiddiga Kante ayaa u muuqda mid dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulamadii Man City iyo Real Madrid.

Dhanka kale xiddiga Ndidi ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii ay Leiceseter City graacday Man United isaga oo ahaa xiddiga ugu fiican kulankaas.

Inkasta oo ay labadooduba shaqadoodu tahay in ay xiddigaha kale ka joojiyaan samaynta kubada hadana waxa hubaal ah in ay isha isku hayn doonaan.

Mason Mount vs Youri Tielemans

Marka laga hadlayo kubad samaynta labadan xiddig ayaa ku jira heerkoodi ugu sareeyay iyaga oo aanan marna qaab ciyaareed xun soo bandhigin.

Labada xiddi ayaa ciyaaray 30 kulan horyaalka xilli ciyaareedkan iyada oo uu Mount qaab ciyaareed fiican ku jiro tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Tielemans dhanka kale waxa uu leeyahay masuuliyad ka yar dhanka weerarka waxana kaliya kubad celinta kaga fiican kaliya 4 xiddig.

Labada tababareba waxa ay adeegsan doonaan labada xiddig si ay kooxdooda u siiyaan fursad walba oo ay ugu guulaysan karaan koobka xilli ciyaareedkan.

Ben Chilwell vs Timothy Castagne:

Waa laba xiddig oo dhankooda ku fiican boosaska ay ka ciyaaraan waiba mid walba uu midka kale doonayo in uu kaga fiicnaado booska.

Blues ayaa 42 milyan ka bixisay Chilwell waxana uu xiddiga reer England soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda halka uu Castagne muujiyay awoodiisa kadib markii uu 18 milyan ugu soo biiray kooxda.

Labada xiddig ayaa leh min 2 gool horyaalka waxana ay weerar halis ah ka qaadaan garabka daafaca iyada oo ay labada xiddiba ka ciyaari doonaan kulanka garabka daafaca oo waliba weerarka raacsan.

Timo Werner vs Wesley Fofana:

Labada xiddig ee xagaaga ku soo biiray labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed isku dhex jira tan ilaa markii ay yimaadeen labadooda kooxood.

Werner ayaa khaariyay 17 fursad tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray hadana waxa uu kooxda ka caawiyay ama ku lug lahaa 14 gol tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Ma jirin cid badan oo filaysa qaab ciyaareedka Fofana ku soo bandhigay Leicester City iyada oo uu xiddiga 19 jirka ah bir ka dhigay daafaca kooxda Leicester City.

Labada xiddiga ayaa caawa isaga hor iman doona Final-ka iyada oo si weyn isha loogu hayn doono midkooda gacan sareeya kulanka xiisaha leh ee caawa.

Antonio Rudiger vs Kelechi Iheanacho:

Xiddiga Iheanacho ayaa xilli ciyaareedkan soo bandhigay ama ku jira qaab ciyaareed wareer ah isaga oo dhaliyay 13 gool 12-kii kulan ee ugu dameeyay ee uu u ciyaaray kooxda.

Dhanka kale Rudiger oo uu shaki weyn ku jiray mustaqbalkiisu ayuu Thomas Tuchel dib u soo celiyay kalsoonidiisa waxana uu ka mid yahay xiddigaha laf dhabarta u ah difaacashada cajiibka ah ee chelsea kulamadii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Kordhiya Rabitaanka Kulanka Sariirta, Warbixin Muhiim Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*