WARBIXIN: 4 Xul Oo Aan La Filayn Kana Yaabsan Kara Tartanka Euro 2020.

Tartanka Euro 2020 ayaa si Rasmi ah u bilaaban doonta maalinta Khamiista iyada oo lagu furi doono kulanka u dhexeeya xulalka Italy iyo Turkey taageerayaasha kubada cagta ayaana dareenkooda u jeedin doona tartanka.

Xulka qaranka France ayaa ilaa haatan loo saadaalinayaa in uu yahay midka ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka marka loo eego qaab ciyaareedkooda iyo xiddigaha u ciyaaraya xulka.

Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa in ay soo baxaan xulal wacdaro dhiga waliba lama filaan ku noqda xulalka waaweyn sida dhacda tartan walba oo xulalku ciyaaraan.

Hadaba wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday 4 kulan oo la filayo in ay noqdaan lama filaanka tartanka waliba wacdaro dhigaan Euro 2020:

Denmark:

Xulkan ayaan laga badin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay waxana ay tartanka Euro 2020 galayaan iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana ay la Group yihiin xulalka Belguim, Finland & Russia.

Xulka Demark ayaa ku hubaysan xiddigo cajiib ah oo ay ka mid yihiin Yussuf Poulsen, Kasper Dolberg , Pierre-Emile Hojbjerg, Christian Eriksen & Kasper Schmeichel.

Turkey:

Waa xul kale oo tartanka Euro 2020 galaya iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican waliba aan laga badin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay waliba guul gaadhay 4 ka mid ah 2 kalena bar-baro galay.

Xulka Turkey ayaa soo jiitay indhaha adduunka kadib markii ay 4/2 ku garaaceen xulka Holland kulamadii is reeb-reebka koobka adduunka waxana ay haystaan xiddigo xoogan oo isugu jira da’yar iyo waliba kuwo khibrad leh.

Ukraine:

Xulkan waxa hogaaminaya Weeraryahankii hore ee kooxaha Chelsea iyo Ac Milan ee Andriy Shevchenko waana xul kale oo qaab ciyaareed fiican ku jira iyaga oo aan laga badin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Xulkan ayaa ku jira Group C iyaga oo kula jira xulalka Netherlands, Austria & North Macedonia waxana ay fursad u haystaan in ay xitaa kaalinta 1-aad kaga soo baxaan wareega Group-yada.

Wales:

Kadib markii uu xulka Wales gaadhay Semi-final-ka tartanka Euro 2020 sanadkii 2016 waxa la filayaa in uu mar kale wacdaro dhigo waxana ay ku jiraan Group-ka A iyaga oo kula jira Switzerland, Turkey iyo Italy waxana ay fursad u haystaan in ay ku dhamaystaan 2-aad ama 3-aad Group-yada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*