WARBIXIN: 4-tii Xiddig Ee Garabka Bidix Ee Weerarka Ugu Fiicnaa Sanadka 2020 Oo La Soo Saaray.

Waxa aan gaadhnay 3-dii boos ee ugu dambeeyay ee xiddigaha ugu fiican boosaskooda sanadkii 2020 EE 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

Hadaba ka hor inta aanan u gubin weerarka waxa aan eegi doonaa xiddigaha garabka bidix ka ciyaara ee ugu fiicnaa snaadkii 2020 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

1) Lionel Messi (Barcelona):

Lionel Messi ayaa laga yaabaa in uuna soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa sanadka 2020 laakiin xiddiga Barcelona ayaa wali ah xiddigaha ugu fiican adduunka.

Xaqiiqada ayaa ah in ay kaliya laba xiddig ku lug lahaayeen goolal ka badan Lionel Messi marka loo eego in uu ku lug lahaa 35 gool 34 kulan oo uu saftay waxana lagu qiimeeyay 8.54.

2) Angel Di Maria (PSG):

Xiddiga reer Argentine ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda PSG gaar ahaan sanadkii 2020 isaga oo kooxdiisa guulo waaweyn ku hogaamiyay.

Di maria ayaa dhaliyay 16 gool 21 kulan oo uu saftay waxana loo arkaa xiddigaha ugu fiican kooxda PSG Sanadka 2020 inkasta oo ay kooxda joogaan xiddigaha Mbappe iyo Neymar waxana lagu qiimeeyay 7.50.

3) Mohamed Salah (Liverpool):

Mohamed Salah ayaa sanadka 2020 ku dhamaystay isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan premier League isaga oo dhaliyay 23 gool sidoo kale caawiye ka noqday halka ay kaliya xiddiga 4 xiddig ka badan yihiin ku lug lahaanta goolasha sanadka 2020 isaga oo ku lug lahaa 32 gool waxana lagu qiimeeyay 7.49.

4) Domenico Berardi (Sassuolo):

Qaar badan oo idinka mid ah ayaan wali aqoon u lahayn xiddiga Domenico Berardi laakiin kaliya wakhti ayaa inaga xiga inta uu ku biiri doono kooxaha waaweyn.

Xiddigan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadka 2020 waxana uu ku lug lahaa 24 gool 31 kulan oo uu saftay intii lagu jiray snaadkii 2020.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*