WARBIXIN: 4-tii Daafac Bidix Ee Ugu Fiicnaa Sanadkii 2020 Oo La Soo Saaray.

Waxa aan sii wadnaa warbixinaha ku saabsan xiddigaha ugu fiican boos walba 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub waxana aan markan ka hadli doonaa 4-ta daafac bidix ee ugu fiicanaa sanadkii 2020.

Booskan waxa si lama filaan ah uga maqan xiddigo magac weyn leh iyada oo aanu Premier League wax xiddigo ah ku lahayn halka laba xiddig oo Bundesliga ah iyo 2 xiddig oo Serie A-da ah ku soo bexeen 4-tii xiddig ee ugu fiicnaa sanadkii 2020 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

1) Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund):

Xiddiga ugu horeeya ee loo doortay midka ugu fiican 4-tan xiddig ayaa ah xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Raphael Guerreiro kaas oo horumar samaynaya sanad kasta waxana uu saftay 27 kulan oo Bundesliga ah sanadka 2020 waxa uu dhaliyay 8 gool halka uu 6 caawin ka noqday waxana uu helay qiimayn dhan 7.48.

2) Theo Hernandez (AC Milan):

Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigo badan oo isaga baxsaday kooxda Real Madrid si uu u soo bandhigo tayadiisa u qarsoon waxana uu sameeyay sidaas tan ilaa markii uu ku biiray Ac Milan.

Xiddiga ayaa laf dhabar u ah tartanka ay Ac Milan ugu jirto horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan isaga oo si toos ah ugu lug leh 7 gool xilli ciyaareedkan una dhaliyay goolal muhiim u ah kooxdiisa xilli ciyaareedkan waxana uu helay qiimayn dhan 7.36.

3) Robin Gosens (Atalanta):

Xiddiga Gosens ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo weerar ah sanadka 2020 waxana uu kooxdiisa ka caawiyay soo bandhigista qaab ciyaareed weerar oo fiican.

Xiddiga ayaa sanadkii 2020 ciyaaray 30 gool waxana uu si toos ah ugu lug lahaa 15 gool isaga oo dhaliyay 8 gool 7 kalena caawiye ka noqday waxana uu helay qiimayn dhan 7.31.

4) Alphonso Davies (Bayern Munich):

Magacaabista xiddigan ayaan lama filaan ku noqon doonin dad badan marka loo eego in uu si lama filaan ah u soo shaac baxay iskuna muujiyay sanadka 2020 iyada oo waliba lagu xasuusto xasuuqii ay Bayern Munich kula kacday Barcelona.

Xiddigan ayaa ku lug lahaa 5 gool qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ahaydna sanadka 2020 waxana uu xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday dhaawac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*