WARBIXIN: 4 Saxiix Oo Arin La Yaab Leh Darteed Ku Fashilmay Oo Dhici Waayay.

Sawiro Robert Lewandowski oo ka ciyaaraya horyaalka premier League laakiin aan u ciyaarayn koox aan xitaa u soo bixin champions League.

Laakiin Ku biiristii Robert Lewandowski ee Premier League ayaa ku fashilmay sabab la yaab leh sida De Gea, Ronaldinho ama Karim Benzema.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 6-da saxiix ee arinta la yaabka leh ku fashilmay in ay dhici waayaan:

1.David De Gea -> Real Madrid

Goolhayaha reer Spain ayaa ku qarka u fuulay in uu isaga tago kooxda Man United kuna biiro kooxda Real Madrid sanadkii 2015 iyada oo wax walba oo heshiiska ha la dhamaystiray.

Laakiin Arinta la yaabka leh ayaa ah in uu heshiisku bur-buray daqiiqadihii ugu dambeeyay kadib markii uu mishiinkii daabacayay warqadaha heshiisku xumaaday oo uu soo saari waayay warqadaha sidaasna suuqu uga xidhmay heshiiskuna ku bur-buray.

2.Karim Benzema -> Barcelona

Xiddiga reer France ayaa dhankiisa arin la yaab leh ugu fashilmay ku biiristiisii kooxda Barcelona ka hor intii uuna Real Madrid ku biirin.

Barcelona ayaa doonaysay in ay Karim Benzema kala soo saxiixato kooxda Lyon waxana ay u direen xoghayaha farsamada kaas oo ku booqday Benzema kooxda Lyon.

Kooxda Barcelona ayaa ka baxday heshiiska kadib markii Xoghayaha Farsamada uu maamulka kooxda u sheegay in saaxiibada Karim ay saamayn xun ku leeyihiin xiddiga sidoo indha-indhaha u saarin intii ay wada joogeen.

Ugu dambayn kooxda Real Madrid ayaa u dhaqaaqday saxiixa Karim Benzema waxana uu haatan Halyeey ka noqday kooxda Los Blancos.

3.Ronaldinho -> Man United:

Sanadkii 2003 Man United ayaa si aad h u doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil isaga oo wakhtigaas joogay kooxda PSG.

Halyeeyga reer ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Man United laakiin Ronaldinho ayaan jeclayn roobka sidaas darteed waxa uu iska diiday in uu ku biiro kooxda Man United sabab la xidhiidha roobabka ka da’a England.

Ugu dambayn Ronaldinho ayaa ku biiray kooxda Barcelona isaga oo halkaas ka noqday Halyeey koobab badana kula guulaystay.

4.Robert Lewandowski -> Blackburn

Weeraryahanka haatan lagu tilmaamo in uu ku guulaysan lahaa abaalmarinta sanadka Ballon D’Or-ka hadii la bixin lahaa ayaa ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda reer England ee Blackburn Rovers.

Weeraryahanka reer Poland Lewandowski ayaa ahaa xiddig da’yar ah waxana saxiixiisa isku baacsanayay kooxaha Borussia Dortmund iyo Blackburn.

Lewandowski ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Blackburn oo ka ciyaaraysay horyaalka premier League laakiin Waxa qaraxday Folkaano taas oo sabab u noqotay in ayna kicin diyaaradii xiddiga gayn lahayd kooxda uu ku biirayay taas oo keentay in uu heshiisku bur-buro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*