WARBIXIN: 4 Sabab Oo Ka Dambaysay In Uu Gerard Pique Ka Fadhiisto Ciyaaraha Kubada Cagta & Barcelona

Ka fariisashada lama filaanka ah ee daafaca Barcelona Gerard Pique ayaa abuuray muran baahsan, gaar ahaan in uu xiddigu ku biiri karo koox kale maadama uuna xiddig muhiim ah ka ahayn kooxda isla markaas kaydka fadhiyo kulan kasta.

Sidoo kale ka fariisashada ciyaaraha ayaa timid bartamaha xilli ciyaareed iyada oo ay kooxdiisu u tartamayso koobab badan isla markaas la ciyaari doono koobka adduunka 2022.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ka fariisashadan ay ka yaabisay xitaa saaxiibadii Pique ee Barcelona, ​​laakiin wuxuu sheegay afar sababood oo uu ku dhawaaqay go’aankan:

Ugu horeyntii: Pique ayaa noqday dooqa dookha 5-aad ee daafaca Barcelona iyada oo tababare Xavi uusan ku xisaabtamin kulamada badan ee kooxda inta badana iska fadhiyo kaydka.

Pique waxa uu ciyaaray kaliya sagaal kulan oo tartamada oo dhan ah isaga oo xitaa kulamada qaar orin kala kulmay taageerayaasha kooxdiisa sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa Liita.

Pique waa cayaaryahanka ugu da’da weyn Barcelona haatan, inta badan saaxiibadiisii ​​hore waa ay ka fariisteen ama kooxo kale aadeen, waxaana kaliya ee hadda ka haray saaxiibadiisii ​​hore ee waqtigii dahabiga ahaa ee ay kooxdu ku dhex noolayd hoggaanka Guardiola waa Sergio Busquets kaas oo wali si joogto ah ugu ciyaara kooxda.

Midda labaad: saamaynta xidhiidhka qoyskiisu ku yeeshay wax-qabadkiisii ​​garoonka dhexdiisa, markii ay kala tageen lammaanihiisii ​​hore ee Fannaanadda Shakira, ka dib markii ay marar badan warbixinno ka soo saareen khiyaamada uu ku kacay, iyada oo Shakira ay labadiisa caruur ah u qaadatay dalka maraykanka.

Seddexaad: Dhaliilo badan oo loo soo jeediyay Pique ayaa ka dhigtay in kooxdiisu ay doonayso inuu baxo, gaar ahaan qaab ciyaareedkiisii ​​liitay ee kulankii Inter markii uu sababay goolka laga dhaliyay kooxda taas oo cadaadis ku saartay in uu ka tago kooxda iyo sidoo kale mushaharkiisa oo aad u badan isla markaas kooxda ku sababaya in ayna la soo saxiixan xiddigo cusub.

Afar: Ciyaaryahanka ayaa si weyn diiradda u saaray ganacsigiisa, gaar ahaan shirkadiisa qabanqaabada munaasabadaha waaweyn, wuxuuna wargeysku sheegay inuu kormeerayay qabanqaabada ciyaaraha tennis-ka ee Davis Cup taas oo kooxda ku keenaty in ay ka fikiraan in uu xiddigu diirada saarayo shaqadiisa kale halkii uu caawin lahaa kooxda.

1 Comment

Comments are closed.