WARBIXIN: 4 Sabab Oo Bayern Munich Champions League Uga Reebi Karto Real Madrid

Kadib fasaxa xulalka waxa la sugayaa kulamo Xiiso leh Tartanka Champions League.

Kulamo waaweyn ayaa la ciyaari Doonaa Tartanka Champions League iyada oo taageersyaashu sugayaan kulamo Xiiso leh.

Kulanka Ka midka ah Kulamada ugu xiisaha badan waxa uu dhexmari Doonaa Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich.

Hadaba warbixintan waxa aan ku Soo bandhigi Doonaa Sababta ay Bayern Munich ku reebi karto Real Madrid.

1. Saddexda Xiddig ee weerarka Uga Ciyaara Bayern Munich oo ah kuwo halis ah iyaga ok dhaliyay 84 gool ilaa haatan caawiyena Ka noqday 50 kale ilaa haatan Xilli Ciyaareedkan.

2.Real Madrid oo ugu cad-cad kulanka Marka la eego Taariikhda ay ku leeyihiin Tartanka laakiin Bayern Munich ayaa dadaal iyo adkaysi leh.

3.Real Madrid oo kulanka galaysa iyada oo 3 Ka mid ah xiddigeheeda Hal kaadh oo digniin ah u jiraan Ganaax Hal kulan ah.

Xiddigaha Vini Jr, Huijsen, Rodrygo, Bellingham, Álvaro Carreras iyo Tchouaméni ayaa dhamaan halis ugu Jira Ganaax Hal kulan ah.

4.Tababaraha Bayern Munich ee Kompany ayaa maskax ahaan Ka fiican tababaraha Real Madrid ee Álvaro Arbeloa taas oo Fursadan siinaysa Bayern.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga