Xilli ciyaareedka Man United ayaa bur-buraya iyada oo cadaadis badan saaran yahay tababaraha kooxda ee Man United.
Erik Ten Hag ayaa qarka u saaran in shaqada laga caydhiyo kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka.
Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababaha ay Tahay Man United in ay shaqada uga caydhiso Erik Ten Hag.
1.Ma jirto falsafad & shakhsiyadda ciyaartoyda ciyaarta dhexdeeda:
Kani waa xilli ciyaareedkii 3-aad ee Erik Ten Hag ee Man United laakiin Taageerayaasha iyo khubarada ayaa wali arkin wax aqoonsi ah, xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda waxa ay dad badan aamineen in ay Man United heshay shaqasigii ku haboonaa kaas oo dajin kara falsafada kooxda isla markaas dhisi kara koox qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigta.
Si kasta ha ahaatee xilli ciyaareedkiisii 3-aad ma jiro wax falsafada ah oo ay kooxdu leedahay sidoo kale xiddiguhu wax shaqsiyad ah kuma lahan garoonka dhexdiisa.
2.In aanu dusha saaranayn masuuliyada qaab ciyaareedka xun ee kooxda:
Ciyaar kasta kadib tababaraha ayaa la hadla warbaahinta laakiin Erik Ten Hag ayaan marna dusha saaran masuuliyada qaab ciyaareedka xun ee kooxda.
Tababaraha ayaa u muuqda mid ka meer-meera masuuliyadiisa marka ay warbaahintu waydiiso sababaha natiijooyinka xun ee kooxda.
3.Qorshe La’aan suuqa ah:
Tan ilaa markii uu yimid kooxda Erik Ten Hag ayaa suuqa ugu jira kaliya xiddigo uu horay ula soo shaqeeyay kuwaas oo uu ku garanayo inta badan saxiixyada uu sameeyay Ten Hag way ku dhibaatoodeen in ay la qabsadaan premier League.
Xiddigaha Antony ayaa ka mid ah xiddigaha la odhan karo Ten Hag wuu ku fashilmay saxiixiisa.
4.In aanu maamuli karin xiddigaha:
Tan ilaa markii uu yimid kooxda Erik Ten Hag ayaa kooxda ka caydhiyay xiddigaha Sancho iyo Ronaldo kuwaas oo kooxda ugu soo biiray lacago rikoodh ah.
Markii hore Ten Hag ayaa kooxda ka caydhiyay Ronaldo kaas oo mushahar aad u badan ugu soo laabtay kooxda Man United
Kadib Tababaraha ayaa caydhiyay Sancho kaas oo haatan wacdaro ka dhigaay kooxda Chelsea.
Be the first to comment